Afhayeen u hadlay Ugandha Felix Kulayigy oo sheegay in la helay diyaaradahii la raadinayey
August 13, 2012 - Written byNairobi:-3 ka mid ah diyaaradaha qumaatiga u kaca oo laga lahaa dowlada Ugandha ayaa waxaa la xaqiijiyey in la helay sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dowlada Ugandha oo goordhow shirjara,id ku qabtay magaalada Kampala.
Afhayeen u hadlay dowlada Ugandha Felix Kulayigy ayaa sheegay in la helay 3diyaaradood oo ah kuwa qumaatiga u kaca waxayna sheegeen in ay ku kala degeen magaalada Garisa ,Wajeer iyo buurta Mt ee dalka Kenya wuxuuna sheegay in ay badqabaan askartii saarneyd diyaaradahaas. kuwaas oo gaaraya 28 askari. Felix Kulayigy saaka laba mar shirjaraa,id oo kala duwan qabtay
Dhanka Kale Afhayeen u hadlay Ciidanka Kenya oo lagu magacaabo Eric Kiraithe ayaa sheegay in ilaa 4diyaaradood ay leedahay dowlada Ugandha loo soo diray dalka Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan howlgalada ay ciidamada AMISOM ka wadaan Soomaaliya wuxuu sheegay in ay baaritaano wadaan .
Taliyaha Ciidamada Miletariga ee dalka Ugandha Gen. Aronda Nyakairima ayaa sheegay in askarta iyo diyaaradaha la helay loogu tala galay in ay ka qeyb qaataan duulaan ay ciidamada AMISOM qoreynayaan in ay ku qaadaan magaalada Kismaayo. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya tirada ciidmada saarnaa Diyaaradaha iyo inta ay yihiin diyaaradaha ay sheegtay dowlada Ugandha in ay heshay xili ay baartaan wadaan dowlada Kenya.
Joornaal ka soo baxa dalka Ugandha oo lagu magacaabo Newvision ayaa warbixin dheer ka qoray diyaaradaha laga leeyahay dalka Ugandha iyo halka ay ku sii jeedeen wuxuuna sheegay in la helay.
Halkan ka Akhriso warbixinta uu qoray Joornaalka NewVision Diyaaradaha ilaa shalay la baadi goobayey
Sidoo kale Joornaalka Daily Nation ayaa soo qoray in la helay Diyaaradihii la raadinayey Halkan ka Akhri
Saxaafada Caalamka iyo tan East Afrika ayaa waxaa ka jira jahwareer ka dib markii ay saraakiisha ugu sareysa dowlada Ugandha ay hadalo iska horimaanaya saxaafada u soo bandhigeen.
A/Cawale
Halgan.net