Baarlamaanka cusub ee DFS oo guddi doorasho iska dhex magacaabay(Akhriso)
August 21, 2012 - Written byMuqdisho:-Xubnaha Cusub ee Baarlamaanka DFS ayaa maanta kulankoodii Labaad ku yeeshay Xarunta gaadiidka Booliska ee degmada C/casiis, waxaana maanta soo xaadiray 184 xubnood waxaana ay iska dhexdoorteen gudi soo diyaarin doona Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS iyo ku xigeenadiisa
Kulanka maanta ay ku yeesheen Xildhibaanada DFS Xarunta gaadiidka Booliska ee degmada C/casiis ayaa waxaa shir guddoominayey Guddoomiyaha Kumeel gaarka ah, Gen. Muuse Xasan Cabdule.
Xildhibaanada DFS ayaa cod gacan taag ah ku aqbalay 15 xubnood oo baarlamaanka ka mid ah oo noqon doona guddiga doorashada waxaana gudiga loo qaybsaday qaabka shanta beelood ee baarlamaanka lagu soo xulay, waxayna kala yihiin
- Ciise Maxamed Cali
- Feysal Cumar Guuleed
- Caadil Sheegoow Sagaar
- Maxamed Warsame
- Maxamed Ismaaciil
- Xasan Macalin Xuseen
- Cismaan Libaax
- Nuur Iidoow Beyle
- Maxamed Maxamuud Guure
- Ciise Maxamuud
- Sahro Jaamac Cali
- Caasho Xaaji Cilmi
- Khadiijo Maxamed Diiriye
- Fowsiyo Maxamed Sheekh
15-Sahro CabdulqaadirC/Casiis Maxamed
Halgan.net