Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo la filayo in uu maanta kulan yeesho
August 20, 2012 - Written byMuqdisho:-Wararka naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta la filayo in ay kulan yeeshaan Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya waxaana xalay ilaa saaka loo qeybinayey kaararkooda aqoonsiga, waxaana gudoomin doona xildhibaanka ugu da’da weyn.
Gudiga farsamada ayaa saxaafada u soo bandhiga 202 Xildhibaan waxaana saaka ay sheegeen in ilaa 23 xildhibaan ay gacanta ku hayaan .
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay ku kulmi doonaan Xarunta Dugsiga Tababarta ee School Polizio, waxaan aad loo adkeeyey amaanka xarumtaas waxaana saaka lagu arkayaa ciidamo aad u tiro badan oo ka tirsan DFKM iyo kuwa AMISOM.
Kulanka la filayo in ay yeeshaan mudanayaasha Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa hadii uu qabsoomo meesha ka saari doona wel wel laga qabay in laga baxo ku meelgaarka iyo in khilaafka madaxada DFKM uu sii jiitamo .
A/Cawale
Halgan.net