Baarlamanka Cusub ee Somalia oo Isniinta Kulmaya

August 18, 2012 - Written by

Muqdisho:-Xubanaha Cusub ee Baarlamanka Somalia ayaa lagu wadaa iney fadhigooda ugu horeeya yeeshaan 20ka bishan. Gudiga Farsamada ee Xulista baarlamanka ayaa sheegay in xubnaha barlamanka cusub ee Somalia ay fadhigooda ugu horeeya yeelan doonaan maalinta isniinta ah ee soo socota . Xubnuhu waxey dooran doonaan shaqsiga ugu da’da weyn iyagoo ka idbna dooran doona gudoomiyaha baarlamanka iyo ku xigeenadiisa.

Xaliimo Ismaaciil Ibrahim ( xaliimo yarey ) oo ah la gudoomiyaha gudiga farsamada ee u xilsaaraa kala xulista xubnaha Baarlamanka ayaa VOAda u sheegtay in liiska 202 xubnood ka kooban ay u soo gudbiyeen si loo dhameystiro howlaha ka harsan xilligga kala guurka.  Xubnahan Baarlamanka cusub ayaa ku saleysan hanaankii awood qeybsiga beelaha somalida ee 4.5  oo ah nidaamkii dowladii 2004tii lagu soo dhisay dalka kenya. Hadalkan ka soo yeeray gudiga Farsamada ee soo xulista baarlamanka ayaa ku soo beegmay iyadoo shalay uu Maaxweynaha Somalia iyo Ergayga gaarka ee Qaramada midoobay ay ka soo horjeesteen in xubnaha baarlamanka laga reebo dad gaar ah.

warbixinta Baarlamanka cusub halkan ka dhageyso

Xigasho VOA

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online