Beesha Cumar Maxamuud oo ka shirtay soo xulida xubnihii u matali lahaa Baarlamaanka Soomaaliya (Sawirro).

August 7, 2012 - Written by

Gaalkacyo:-Shir balaaran oo ay maanta 07/08/2012 isugu yimaadeen Waxgaradka, Aqoonyahanka, Siyaasiyiinta, Ganacsatada, Culimaa’ udiinka, Odayaasha dhaqanka, Dhallinyarada, Haweenka iyo Qurbajoogta ku abtirsada Beesha Cumar Maxamuud ayaa ka dhacay guriga Isinka guud ee Beesha Cumar Maxamuud Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax. Shirkani oo ay ka soo qeybgaleen ku dhowaad 500 oo ruux ayaa waxaa kaloo ka mid ahaa xubnihii ka soo qeybgalay Mas’uuliyiin uu ka mid yahay Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac, Kuxigeenkiisa Axmed Muuse Nuur, Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Siciid Cabdi Faarax, qaar ka mid ah Siyaasiyiin horey xilal kala duwan uga soo qabatay Xukuumada Puntland oo ay ka mid ahaayeen Madaxweyne xigeenkii hore ee Puntland Mudane Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) iyo Wasiirkii hore ee Caafimaadka Puntland Dr. Bashiir Cali Biixi.

Ajandaha kulanka uu marti geliyay Islaan Bashiir ayaa ahaa sidii Beesha Cumar Maxamuud ay usoo xuli lahayd xubnihii beesha u matali lahaa Baarlamaanka cusub ee dawladda KMG Soomaaliya oo haatan soo xulistoodu ka soconeyso magaalada Muqdisho.

no images were found

Kasoo qeybgalayaashii kulanka ayaa waxay soo bandhigeen aragtiyadooda ku aadan sida loo soo xulayo xubnaha matalaya Beesha Cumar Maxamuud ee la rabo in ay ka soo dhex muuqdaan Baarla maanka cusub ee Soomaaliya, waxaana gaba-gabadii kulanka la isku raacay in la sameeyo Guddi ka kooban 9 xubnood oo Waxgaradka Cumar Maxamuud ah si ay iyaguna usoo xulaan labada xubnood ee noqonaya Mudanayaasha Baarlamaanka cusub ee uga wakiilka ah Beesha Cumar Maxamuud.

Guddigani oo ah sagaal xubnood ayaa kala ah:-

1. Caaqil C/wahaab Maxamuud Gurey

2. Nabaddoon Siciid Xuseen Nuur Dirir

3. Nabaddoon Maxamed Xasan Dhurwaa

4. Nabaddoon C/casiis Aw-yuusuf Xaarin

5. Nabaddoon Maxamed Yuusuf Guure (Ilbalac)

6. Nabaddoon C/qaadir Xaaji Xuseen

7. Nabaddoon Cabdi Diiriye Guuyo (Qurux)

8. Aqoonyahan Cabdi Faarax Maxamed

9. Nabaddoon C/rashiid Sugulle Xaabsay.

Xubnaha Guddigani ayaa shaqadoodu waxay noqoneysaa soo xulista labada xubnood ee Beesha Cumar Maxamuud uga qeybgalaya Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, iyadoo looga fadhiyo in ay soo xulaan labada xubnood isla markaana ay hor keenaan Isinka guud ee Beesha Cumar Maxamuud Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax si uu u meel mariyo una gudbiyo dawladda Soomaaliya.

Xafiiska Islaan Bashiir.
C/laahi Yuusuf Xuseen
Xaajiyow@hotmail.com

 

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online