Ciidamada DFS oo Rasaas ku furay Dadweyne Banaanbax ka dhigayey Afgooye
August 24, 2012 - Written byAfgooye:-Wararka nagasoo gaaraya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan kuwa DFS ay Rasaas ku fureen Dadweyne banaan bax ka dhigayey gudaha Degamada Afgooye.
Rasaasta ay fureen Ciidamada DFS ayaa waxaa ku dhintay sida warar hordhac ah ay nagu soo gaarayaan hal qof waxaana ku dhaawcmay 6 qof oo kale oo ay haweeney ku jirto.
Dadweynaha Banaanbxaya ayaa waxay ka cabanayaan madaxda Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose, iyo amaan xumada ka jirta Degmada Afgooye
Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa wili wax war ah ka soo saarin dhaqaaqada ay dadka ku dhinteen ee ka dhacaday Degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose.
A/Cawale
Halgan.net