Ciidamo ka tirsan DFKM oo lagu weeraray Ex Control Balcad iyo xerada Maslax
August 10, 2012 - Written byBalcad:-Ciidamo ka tirsan DFKM ayaa maanta waxaa lagu weeraray inta u dhexeysa Ex Control Balcad iyo xerada Maslax ka dib markii miino loo galiyey wadada waxaana weerarka ku dhintay ilaa inta la ogyahay 2 askari oo ka tirsan DFKM. Ciidamada DFKM ayaa waxaa gaari ay wateen haleeshay miino dhulka loo galiyey xil ay ka soo dhaqaaqeen xarun ay ku leeyihiin Ex Control Balcad qaraxa ayaa waxaa lagu khaarajin lahaa sarkaal ka tirsan DFKM oo la yiraahdo Saney Cabdulle.
Wadada u dhaxeysa Ex Control Balcad iyo Xerada Maslax oo halbowla u ah ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM ayaa waxay qaati ka taagan yihiin miinooyinka iyo weerarada joogtada ay ku qaadaan ciidamada Al-Shabaab oo ku socda kooxo yar oo aad u abaabulan.
Ilaa haatan ma jirto cid ka tirsan DFKM oo ka hadashay weerarka miinada ee lagu qaaday cutubyo ka tirsan ciidanka DFKM .
A/Cawale
Halgan.net