Dagaal ka socda degaanka Cag-libaax oo 30-KM kaga beegan Koonfur Qooqaani
August 29, 2012 - Written byCiidanka dalka Kenya oo taageeraya ciidamo Soomaali ah oo ka tirsan yihiin ciidanka DFS ayaa saaka waxaa ay duulaan ku soo qaadeen degaanka Cag-libaax oo ah duleedka degmada Afmadow, ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa difaac oo difaac uga jira dhulka howdka ah ee u dhexeeya Afmadow iyo Birta dheer oo u jirta ayaa difaac adeg kala hortagay degaanka Cag-libaax ayaa u jira magaalada Kismaayo ilaa 60 KM.
Dagaalka ayaa qarxay ka dib markii ciidamo huwanta ay weerareen difaacyada ururka Al-shabaab oo ku yaalay degaanka Cag-libaax iyadoo dagaalka uu yahay mid ku bilowday goos goos wallow markii danbe uu aad u xoogaystay.
Dadka shacabka ah ee ku nool degaanka Cag-libaax ee uu ka socdo dagaalka ayaa saxaafada u sheegay in ay arkeen ciidamo Kenyaan ah oo wata Taangiyo iyo qalab kale oo ciidan kuna sii jeeda dhulka howdka ee u dhexeeya Afmadow iyo Kismaayo.
Warar hordhac ah oo ku soo dhacay warqabadka Hagan.net goor dhow ayaa sheegay in dagaalka ay si toos ah uga qayb qaadanayaa diyaaro laga leeyahay dalka Kenya kuwaas oo duqeynaya goobaha uu dagaalku ka socda iyo goobo ku dhow dhow magaalada xeebta ah ee Kismaayo.
Ilaa hadda lama yaqaan cid ku gacan saraysa dagaalka iyo khasaaraha ka soo gaaray dadka shacabka oo ay ciidanka Kenya ay ku duqeynayaan madaafiicda ka dhacda taangiyada iyo hubka loo yaqaan Bm-ka.
Wixii ku soo kordha dagaalka dib ayaan idinka soo gudbin doonaa Insha Allaah
A/cawaale
Halgan.net