Gudiga qaban qaabada doorashada Gudoomiyaha DFS oo la filayo in ay kulmaan
August 22, 2012 - Written byMuqdisho:-Waxaa maanta lagu filayaa in ay shir uu uga furmo Gudiga qaban qaabada doorashada Gudoomiyaha baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa magaalada Muqdisho gudigaas oo shalay la shaaciyey ayaa waxaa uu ka kooban yahay 15-xubnood.Kulanka ugu horeeyo uu yeelanayo Gudiga qaban qaabada doorashada Gudoomiyaha baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa qabashada Araajida iyo soo bandhigida shuruudaha laga rabo cida u tartameysa xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS iyo ku xigeenadiisa.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la wada dhowrayaa kulanka ugu horeeya ay yeeshaan Gudiga qaban qaabada doorashada Gudoomiyaha baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa iyo shuruudaha ay soo bandhigaan waxaana saaka ay bilaabayaan in ay qabtaan araajida Xildhibaanada u tartamaya xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS.
Musharaxii ugu horeeyey ee ku dhawaaqa in uu u taagan yahay tartanka xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS waxaa weeye Prof: Cabdirizaaq Cismaan XasaN ( Juurile ) oo ah Siyaasi rug cadaa ah kana soo jeeda Deegaanadda Puntland wuxuuna sheegay in xilkaas uu u tartami doono.
M_M Deeq
Halgan.net