Jeylaani Nuur Iikar oo ku Guulaystay Guddoomiye Ku xigeenka 1 ee baarlamaanka DFS

August 28, 2012 - Written by

Muqdisho:-Waxaa ku guuleystey jagada Gudoomiye kuxigeenka koobaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Jeylaani Nuur Iiker kadib markii uu ka tanaasuley ninkii kusoo xigey C/weli Ibraahim Muudey. Jeylaaani Nuur iiker oo kasoo jeeda qowmiyadaha Banaadiriga ayaa wuxuu noqonayaa ninkii labaad oo weji cusub oo kamid noqda gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya kadib markii uu loollan adag la galey ku dhawaad 10 musharax oo u taagnaa jagada Kuxigeenka Baarlamaanka.

Dhanka kale jagada guddoomiye ku xigeenka labaad oo ay isu soo taageen afar musharrax ayaa ugu dambeyntii waxaa ku adkaaday  Mahad Cabdule Cawad.

Waxaa sidoo kae a dhaariyay guddoonka Baaramaanka iyadoo hadal kooban oo uu soo jeediyay guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Prof. Jawaari uu ku sheegay in dadku daallan yihiin isa markaana uu khudbadiisa u dib dhiganayo khamiista soo socota.

Sawaxanka dadka ayaa cirka isku shareertey iyadoo mudanayaasha baarlamaanku ay qaadayeen heesta astaanta u ah qaranka Soomaaliyeed ee soomaaliyeey toos iyo iyagoo ismarxabeysiinayey.

Caawa oo magaalada Muqdisho aad looga dareemayo jawiga ka abuurmay doorashada guddoonka Baaramaanka ahna doorashadii ugu horreysay sano kadib oo halkaa ka dhacda.  Doorashadan ayaa waxaa xigta doorashada madaxweynaha DFS oo iyana oo balansan yahay 3 bisha 9aad ee nagu soo aadan

Jeylaani Nuur Iikar ayaa helay 91-cod halka C/weli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa helay 58-cod waxaana si rasmi ah u noqday Guddoomiye Ku xigeenka 1 ee baarlamaanka DFS Jeylaani Nuur Iikar .

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online