Kulamo maamul loogu sameynayo gobolada Jubooyinka iyo Gedo oo ka socda magaalada Nairobi.
August 9, 2012 - Written byNairobi:Kulamo maamul guud loogu sameynayo gobolada Jubooyinka iyo Gedo, ayaa weli ka soconaya duleedka magaalada Nairobi
Kulamadan oo dhawaanahanba soconayey, ayaa waxaa ka qeyb galaya ilaa 5 kooxood oo kala metelaya beelaha deegaanada maamul u sameyntooda lagu howlan yahay, waxaana hadda shaqada ugu badan haya guddi loo saaray qaabka uu u shaqeynayo maamulka fududeynta howlihiisa.
Urur gobaleedka IGAD, iyo saraakiil beesha caalamka ka socota, ayaa gadaal ka riixaya qorshahan, waxaana dhammaan dhinacyada ay khuseyso xoogga saarayaan sidii uu u dhaqan geli lahaa qorshahooda.
Barta kulamadu ay ka dhacayaan, ayaa saxaafadda waxaa laga dhigay dibad-joog, iyadoona Nairobi duleedkeeda loo saaray mas’uuliyiinta ka qeyb galeysa, waxaana Soomaalida culeys lagu saarayaa soo dhisidda maamul cusub oo ay yeeshaan goboladaas.
Kooxaha Soomaalida ee deegaanadaas maamul u sameyntooda u shirsan, ayaa qolaba ay qolada kale dooneysaa inay ka riixato maamulka la dhisayo, waxaana soconaya is-baheysiyo ay dhinacyadu ku doonayaan Madaxtinimada gobolada maamulka loo sameynayo.
Ugu dambenyntii: gobolada maamul u sameyntooda Nairobi, loo fadhiyo ayaa waxaa intooda badan gacanta ku haysa xarakada Al-Shabaab, waxaana sidoo kale soconaya abaabul Militeri oo dowladaha dariska iyo ciidamo Soomaali ah oo kaashanaya ay ku doonayaan inay kula wareegaan deegaanadaas.
Somalireal/Halgan.net
Nairobi