Madaxda Dowlada Federalka Soomaaliya oo gaaray magaalada Nairobi
August 3, 2012 - Written byMadaxweynaha dowladda Federelka Soomaaliya Sh Shariif Sh Axmed iyo gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xassan ayaa ku sugan magaalada Nairobi iyadoo u jeedada safarkooduna uu yahay casumaad ay ka heleen safaarada dalka Maraykanka ee dalka Kenya si ay kulan ula qaataan xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Hillary Clinton oo imaan doonta magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.
Madaxweynaha dowllada Federaalka Soomaaliya Shariif Sh Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa shalay iyagu soo gaaray magaalada Nairobi iyagoo ka soo kicitimay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, Dhinac kale Raiisul wasaaraha dowllada Federalka Soomaaliya ayaa isaguna la filayaa in uu safar gaaban ku tegi doono Puntlland isagoo ay halkaas iska soo raaci doonaa wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha dowllada Puntlland Dr Cabdiraxmaan Faroole si ay uga qayb galaan kulanka ay saxiixiyaashii RoadMapka ay la yeelan doonto xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Hillary Clinton oo safar ku maraysa dowllada dhowr ah oo ku yaal qaarada Afrika.
Ilaa hadda si cad looma garanayo wax ay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Hillary Clinton ay kala hadli doonto madaxda Soomaalida balse waxaa la sheegayaa in ay kulanku uu ku saabsan yahay xaalada kala guurka ee dowllada Federalka Soomaaliya oo xiligeedu uu ku eg yahay 20 Augusto oo maalmo ay ka dhiman yihiin.
Dowllada Maraykanka ayaa bilihii u danbeeyey aad fara gelin ugu haysa arrimaha Soomaaliya arrinkaas oo dadka qaar ay sheegayaan in ay salka ku hayso arrimo ku saabsan amniga iyo kheyraadka dalka soomaaliya gaar ahaan arrinta Shidaal qodista ee ka socota Puntlland oo aan ilaa hadda si rasmi ah loola socon halka ay wax maraynaam iyadoo shirkadaha shidaalka ka qodaya Puntlland ay dhowr jeer war saxaafadeed ay soo saareen ay ku sheegeen in ay Petrol ka helleen Puntlland walow arrinkaas aysan si rasmi ah u shaacin dowllada Puntlland iyo dowllada Federalka Soomaaliya.
A/cawaale
Halgan.net