Madaxweynaha Dowaldda Puntland oo dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe
August 7, 2012 - Written byMadaxweynaha Dowaldda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Faroole iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ka dib markii wafdiga madaxeynaha dowllada Puntlland uu ka soo qayb galay shir ay saxiixayaasha Roadmapka ay ku yeesheen magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.
Madaxweynaha Puntland Dr.C/raxman Faroole ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Garoowe ku xigeenka madaxweynaha Puntlland ahaana ku simaha madaxweynaha Puntlland Gen.C/samada Cali shire , safarka madaxweynaha Puntlland ayaa waxaa ku weheliyey Wasiirka Waxbarashada Puntlland Dr.Cabdi Faarax Siciid Juxa iyo Wasiirka hawlaha guud Eng.Daahir Xaaji Khaliif iyo xubno ka tiran madaxtooyada Puntlland.
Madaxweynaha Dowaldda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Faroole oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in shirkii ay ku yeesheen magaalada Nairobi saxiixayaasha Roadmapka uu ku soo dhamaaday afgarad iyo guul isagoo sheegay in rajo fiican laga qabo in waqtiga ku meel gaarka uu dhaqso u dhamaado. Madaxweynaha Dowaldda Puntland Dr.Cabdiraxman Faroole ayaa sidoo kale xusay in mudo dhan 5 cisho lagu soo gudbiyo xilibaanda dowllada Federaalka Soomaaliya isagoo ku adkeystay in dood dheer iyo falaqayn dheer la isla gartay arrinkaas si loo dhamaystiro hishiiyadii ay kala saxiixdeen madaxda Soomaalida.
M_M_Deeq
Halgan.net