Madaxweyne DFS Sheekh Shariif Sh Axmed oo tujiyey salaadii ciida ee Masjidka Isbahaysiga Islaamka
August 19, 2012 - Written byMadaxweyne DFKM Sh Shariif Sh Axmed ,wasiiro iyo xilibaano ka tirsan DFS ayaa maanta ku wada tukaday Masjidka weyn ee Isbahaysiga ee magaalada Muqdisho, Masjidka ayaa waxaa intii aysan imaan madaxweynaha iyo ra’iisul wsaaraha, Guddoomiyaha Baarlanaaka waxaa masjidka amaankiisa la wareegay ciidamo ka tirsan dowllada iyo kuwa AMISOM. Ciidamada ayaa waxaa la dhigay dhamaan wadooyin ka soo gala ama ka baxa Masjidka Isbahaysiga waxaan aad loo baarayey dadka soo galay Masjidka iyo weliba gaadiidka ay wataan oo meelo fog la dhigayey.
Salaadda ciida ayaa waxaa tujiyey Madaxweynaha DFS Sheekh Shariif Sh Axmed isagoo weliba akhriyey khudbadii ciida, masjidka ayaa waxaa ku tukaday dadweyne fara badan iyo weliba masuuliyiin ka tirsanaa Dowladii hore ee uu Raiisul wasaaraha ka ahaa Dr Cumar cabdirashiir Cali Sharmaake oo u badnaa xubnihi Maxkamadaha islaamiga iyo ururkii dib u xoraynta.
A/cawaale
Halgan.net
,