Sh Shible oo ka hadlay been abuurkii laga ka faafisay Sheekh Shariif CabdiNuur.[Dhagayso]
August 31, 2012 - Written by
Sheekh Maxamuud Shible oo ka mid culimada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi ayaa waxaa maanta uu khudbadii Jimce uga hadlay Fatwo la sheegay in uu leeyahay Sheekh Shariif Cabdinuur alaha caafiyee oo lagu faafiyey mareegta Somalimemo.net , codkaas oo loo tiiriyey Sheekh Shariif Cabdinuur ayaa waxaa beeniyey wiilkiisa Maxamed Sheekh Shariif Cabdinuur Xassan waxaan uu baaq uu xalay u jeediyey Umada Soomaaliyeed ku cadeeyey in codka lagu faafiyey Somalimemo.net uu yahay mid aan sax ahayn uuna yahay min la soo googooyey ahna waqtigii Maxaakimta islaamiga 2007 .Halkaan ka Akhriso Baaq Maxamed Shariif Cabdinuur Xassan Halkaan Baaqii oo cod ah MP3
Sh.Maxamuud Shible ayaa uga digay bulshada Soomaaliyeed kuwa lagu ibtileeyey ka been sheegida diin, iyo weliba culimada xanbaarsan isagoo Sheekh uu ku xusay khudbadiisa in isaga iyo Sheekh Maxamed Cabdi Umal ay booqdeen Sheekh Shariif Cabdinuur allaha caafiyee balse uu garan waayey oo uu sheekhu dadka soo booqanaya qaar kood uusan xasuusan halka kuwa kale uu garto.
Sheekh Maxamuud Shible ayaa sheegay in saxaafada Soomaalida lagu yaqaanay in ay wax ka sheegaan siyaasiyiinta been abuurna ka sameeyaan balse waxaa uu ayaan daro ku tilmaamay in ay soo baxeen webab ka faafiyey been abuurad culimada Soomaaliyeed ilaa ay gaartay in lagu been abuurto Sheekh Shariif Cabdinuur oo umada Soomaaliyeed oo dhan ay taqaan Manhajkiisa .
Sh Shible ayaa sheegay in dhawaan uu soo bandhigi doono kuwa ugu waaweyn ee beenta faafiya ama aqwaasha culimada ku ciyaara ,isagoo sheekha uu xusay in uu magacaabi doono uuna hayo in ka badan 30 qowl oo culimadu leeyihiin oo la is daba mariyey.
Sh Maxamuud Shible ayaa ku tilmaamay kuwa webabka u furta ka been sheegida culimada iyo Ahlu diinka inay ku sifoobeen kooxo lumay sida dhinac gaalaysiinta waxaa ay ka yihiin Khawaarijta , dhinac beenta waxaa ay uga mid yihiin Shiicada.
Hoos Ka Dhagayso Khudbadii Jimce ee uu Sh Shible ka jeediyey maanta Masjidka Al-hidaaya ee Magaalada Nairobi
[audio:http://halgan.net/Mp3/khudboshshble31082012.mp3]Ama Halkaan MP3
Halgan.net

.gif)

