Sidee looga ciiday Columbus, OHIO ?

August 21, 2012 - Written by

Allahu Akbar walilahi Xamd. Waxaa maanta oo axada 1/10/1433 kuna began 8/19/2012 si heer sare ah looga ciiday Ciidii Fidriga) magaalada Columbus, Ohio ee cariga Maraykanka. Laga bilaabo markii Salaadda subax laga soo baxay ayaa waxaa Muslimiinta Reer Columbus, gaar ahaanna Bulshada Soomaaliyeed intooda ugu badan wexey u qulquleen RUGTA CARWOOYINKA ee magaalada Columbus, halkaas oo (Masjid Shaykul Islaam Ibnu Taymiyah) uu ciidaha Muslimiinta ugu qaban qaabiyo 10kii sano ee ugu dambeysey, iyagoo dadku aad ugu faraxsan yihiin dhammaystirka ilaahay SW uu u dhamaystiray bishii barakaysnayd ee RAMADAAN, dadka soo tukaday sanadkaan ayaa waxaa lagu qiyaasayey ilaa 14,000 oo qof.

no images were found

Dhalinyarada  Mutadawiciinta ah ee Masjidka ayaa la arkayey iyagoo lebisan calaamadaha hagidda baabuurta, oo walfinaya calamo cagaaran, ilaa iyo Jidka weyn ee High wayga 71, ilaa meesha Carwada laga galo,  Wexey baaburta isku taxan ilaa iyo jidka dheer ee carwada gala ku soo dhoweynayeen “CIID MUBAARAK”  ‘TAQABALALAHU MINAA WA MINKUM”.  Waxaa la arkayey dadweene Soomaaliyeed oo aad u fara badan oo rac rac u socda, kuna sii qulqulaya goobta salaadda, iyadoo qoysasku ay wada socdeen aabihii iyo hooyadii iyo ilmihii oo lebisan dhar cusub oo bilicsan, farxad iyo ray rayna ay dhamaantood ka muuqado. Waxaa la arkayey hooyooyinka waaweyn oo tukubaya, caruurta yar yar oo qaarna gacanta laga hayo, qaarna handulka lagu wado.

Abbaarihii 9:45 am markey saacaddu ahayd ayaa loo istaagay salaadii ciidda iyadoo uu sanadkaan hogaaminayey salaadda ciida Sheekh Adam Sh Cabdulle Imaamka Masjidka Ibnu taymiya.

Salaadii ka dib ayaa sheekhu wuxuu soo jeediyey khudbad dhinacyo dhawr ah taanaysay, sida qiimaha maalinkan uu leeyahay, In la daa’imo cibaadada ilaahay, salaada in la dhawro, in kitaabka alle iyo sunada Rasuulka SCW loo laabto cisi iyo sharafna laga qaato, iyo in geerida la xusuusnaado, isagoo sheekhu khudbadiisii ku soo gebo gebeeyey duco uu muslimiintoo dhan u duceeyey gaar ahaana umadda soomaaliyeed uguna duceeyey midnimo iyo is jacayl, iyo inuu allaah SW u dhiso dawlad cadaalad ah oo ay hogaaminayaan akhyaarta bulshada.

Ka dibna si hannaan quruxsan oo farxad leh ayaa dadku isu salaamayeen, isuguna tahniyadaynayeen ciidda barakaysan. Waxaana baabuurtu si degen ay uga soo baqooleen goobta ciidda. Iyadoo caruurta loo diyaarshey meela ay ku ciyaaraan, iyo qalab ay ku madadaashaan.Markii magaalada loo soo dareeray ayaa waxaa la arkayey makhaayadaha oo meel walba aad loo buuxo, iyadoo asxaabta iyo qoysaskaba ay ka cuntaynayeen meelaha wax laga cuno ee Soomaalida. Aadna ugu faraxsan in ilaahay SW uu u furey cuntadoodii iyo cabdidoodiiba ka dib markii ay soo soomeen bishii barakaysnayd ee RAMADAAN,Masjid Ibnu Taymiyah wuxuu qaban qaabiyey ciyaaro iyo musaabaqooyin caruurta iyo qoysaska sida ciid walba uu u qabto laga bilaabo 3 pm ilaa 8 pm. Iyadoo ciidaan uu masjidku soo kireystay qalabka caruurta llagu ciyaarsiiyo loona xiray parkin ka masjidka, iyadoo ay caruurtu aad ugu farxeen si wanaagsanna u ciideysteen waalidiintuna si wanaagsan  ugu riyaaqeen.

Allaahu akbar allaahu Akbar Allaahu Akbar Laa ilaaha Illaalaahu Allaahu Akbar Allaahu Akbar Walillaahil xamdu.

Axmed Sh. Maxamed (Al yamani)

Maamulaha, Masjid Ibnu Taymiyah

2334 Mock Rd

Columbus, Ohio 43219

Tel 614-804-0819

www.itmasjid.com

 

 

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online