Afhayeenka Maamulka J/land oo sheegay in hub loo soo waday Kismaayo lagu qabtay Afgooye

June 10, 2013 - Written by Editor

seeraarKismaayo:-Afhayeenka Maamulka Jubaland C/naasir Seeraar Maax ayaa sheegay in hub loo soo waday magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose  lagu qabtay Gobolka Shabellaha Hoose gaar ahaan Degmada Afgooye.

C/naasir Seeraar Maax oo la hadlay warbaahinta ka howlgasha magaalada Muqdisho ayaa sheegay in gaari xamuul ah oo hub ku raran yahay ay ciidamada AMISOM ku qabteen Degmada Afgooye waxaana uu ku eedeeyey madaxda DFS in ay hubka u soo wadeen magaalada Kismaayo.

Afhayeenka Maamulka Jubaland C/naasir Seeraar Maax ayaa waxaa uu si gaar ah ugu eedeeyey in hubka uu soo diray wasiirka arrimaha gudaha ee DFS C/kariin Xuseen Guuleed

Maamulka Jubaland ayaa dhowr mar oo hore waxay ku eedeeyeen masuuliinta DFS in ay hub iyo ciidan soo galiyeen magaalada Kismaayo si ay u fashiliyaan Maamulka Jubland ee dhawaan lagu dhisay magaalada Kismaayo.

Warar madax banaan oo ay heshay Halgan.net ayaa sheegaya in gaari waday hub ay saaka ciidamada AMISOM ku qabteen deegaanka No:50 balse ilaa haatan lama oga cida hubkaas uu ku socday mana jiraan wax war ah oo ka soo baxay DFS.

Afhayeenka Maamulka Jubaland C/naasir Seeraar Maax ayaa ugu danbeyn waxaa uu sheegay in Maamulka J/land ay fashiliyeen shirqool lala damacsanaa wuxuuna eedeeyey wafdiga DFS ay u soo dirtay magaalada Kismaayo.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online