Amiirka Ururka Al-shabaab oo la sheegayo in uu dilay Ibraahim Afgaan iyo Macalin Burhaan
June 27, 2013 - Written by EditorBaraawe:-War soo gaaray saaka Warqabadka Halgan.net ayaa sheegay in Ibraahim Xaaji Jaamac Miicaad oo ahaa ku xigeenkii amiirka ururka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane ay xaaladiisa nololeed ay ka soo baxayaan warar kale duwan. Ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa Halgan.net u sheegay in Ibraahim Xaaji Jaamac Meecaad noloshiisa shaki badan la gelinayo oo wararka hordhac ah ee ka imaanaya Baraawe ay sheegayaan in la dilay isaga iyo Macalin Burhaan.
Ibraahim Xaaji Jaamac Miicaad Ibrahim Afgan ayaa qaabka uu u geeriyooday ay ka soo baxayaan warar is khilaafsan wararka qaar ayaa sheegaya in uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray dagaal dhexmaray ilaaladiisa iyo ciidamo daacada u ah Amiirka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane oo iyagu si gaadmo ah u weeraray guri uu ku sugnaa ee ku yaalay Baraawe halka wararka kale ay sheegayaan in la saaray Maxkamad ka dibna la dilay labo maalin ka hor inta uusan Sh Xassan Daahir Aweys ka bixin Baraawe.
Ibraahim Xaaji Jaamac Miicaad Afgaan ayaa ahaa aasaasayaashii ururka Al-shabaab waxaan uu masuulka ka ahaa kooxda Amniyaadka waxaan uu ku xigeen u ahaa Amiirka ururka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane isagoo ahaa wadaadkii ka danbeeyey in Amiir ururka al-shabaab Axmed Cabdi Godane uu aado Koonfurta Soomaaliya kuna biiro Mucaskaraadkii ay dhalinyarada Ururka Al-shabaab ay ku tababaran jireen iyagoo ahaa saaxiibo gaar ah.
Ilo wareedyo u gaar ah Halgan.net ayaa wada in ay xaqiijiyaan wax ka jira in la dilay Ibraahim Xaaji Jaamac Miicaad iyo Macalin Burhaan inagoo xiriiro kale duwan la samayn doona qaraabadii iyo eheladii Ibraahim Xaaji Jaamac Miicaad Afgaan iyo Macalin Burhaan si aan uga helno faahfaahin dheeri ah.
C/casiis Maxamed
Halgan.net
Archives |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
English Article
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Somali Links
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Fatwa Online
|
1 Comment so far
Leave a comment
salaamu calaykum walaalayaal
Aad baan ugu mahad celinayaa walaalaha Halgan.net sida ay u difaacayaan mar walba culumada Soomaaliyeed .Arinta raga la dilay waa wadadii ay iyagu jeexeen oo ay mireheeda guranayaan ee ha la sugó inta dhiman iyaga baa is dhameyn doona dhiiga culumada ay dileen ma biyo buu ahaa ?