AMISOM iyo Al-Shabaab oo ka hadlay dagaalo ka dhacay deegaanka Balidoogle iyo Berweyn

June 1, 2013 - Written by Editor

amisomMuqdisho:-Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta ka hadlay weerar ay ciidamada Al-shabaab ku qaadeen ciidankooda waxayna sheegeen in ay iska difaaceen weerar ay  al-Shabaab ku qaadday shalay .

Warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska ciidanka AMISOM ayaa lagu sheegay in weerarka uu shalay subax ka dhacay waddada u dhaxeysa deegaanka Balidoogle iyo Berweyn.

Ciidanka Al-Shabaab ayaa weerar kadis ah ku qaaday ciidamo kolonyo ah oo ka tirsan ciidanka AMISOM waxaana ay sheegeen in ay u geysteen khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac kana gubeen laba gaari.

Dhanka kale Ciidanka AMISOM ayaa Warsaxaafadeedkooda maanta ku sheegay in dagaalka ka dhacay waddada u dhaxeysa deegaanka Balidoogle iyo Berweyn ay ku qabteen  dhowr askari oo ka tirsan ciidanka Al-shabaab qaar kale ay ku dhaawaceen

Taliyaha ciidanka AMISOM Gen. Andrew Gutti ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen waxyaabaha qarxa, hub iyo rasaas iyo agab kale wuxuuna sheegay in howlgalada ay sii wadi doonaan.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online