Barnaamijyo dacwadeed oo culumadu ka wadeen magaalada Garowe oo caawa la soo gabagabeeyey

June 6, 2013 - Written by Editor

culimo2Garoowe:-Wafdigii culumada ee booqashada ku yimid magaalada Garowe waxay xalay ku qabteen masjid ka Al-hudaa Nadwo cinwaankeedu ahaa: Maalgashiga mawsimka dacwadeed (kaalimaha iyo mashaariicda) waxaana ka qayb galay Sheekh Yuusuf Aadan iyo Sheekh. C/naasir Xaaji Axmed. Nadwada ka dibna waxay dhalinyarada Soomaaliyeed kala hadleen khatarta iyo xaaraanimada TAHRIIBKA.

Saakay waxay culumadu soo booqdeen qoyskii uu ka tagey Allaha u naxariistee Sh.C/qaadir Nuur Faarax oo ay kooxda amniyaad ka Al-shabaab ku dhex dileen gudaha Masjid ka Badar xili la tukanayey Salaadii Casar. Wafdi culimo ah ayaa qoyska Sh Cabduqaadir Nuur Faarax allaha u naxariistee gudoonsiiyey lacag ay dadka Soomaaliyeed ugu tabaruceen Ilmihii Sheekha iyagoo u soo mariyey Hay;adda Islaamiga ah ee Haro.Culimada kulanka gaarka la qaatay qoyska Sheekh C/qaadir Nuur Faarax ayaa waxaa ka mid ahaa  Sheekh Yuusf Aadan , Sheekh Axmed Maxamed Suleymaan iyo culimo kale.

no images were found

Sidoo kale waxaa Muxaadaro ku saabsan Ahmiyada Dacwada  u jeediyey Ducaada  iyo culimada Nugaal Sh Cabdinaasir  Xaaji Axmed iyadoo muxaadarada ka dib uu kalimada Tacliiq kooban ah uu saaray Fadiilatu Sh Yuusuf Aadan. Culimada ayaa waxaa muxaadaraad iyo towjiihaad  ay sidoo kale u jeediyeen  bahda waxbarshada magaalada Garoowe iyadoo kulanka ay ka soo qayb galeen ardayda Jaamacadaha , Macaahida, iyo Dugsiyadda

Caawa ayaa Sh Cabdinaasir Xaaji Axmed  waxaa uu  jeediyey  muxaadaro uu ugu magac daray “In nafta lagu tarbiyeeyo JIDDI-yada (in si dhab ah loo dhaqmo). Waxaana markii ay muxaadarad dhamaatay kalimad faallo ah ku jeediyey Sh. Yuusuf Aadan.

Hotelka ay culimadu ka degan yihiin magaalada Garoowe ee NEW RAYS ayaa waxaa caawa iskugu yimid culimada iyo wafdi soo booqday waxaan dhamaan dadweynaha ku dhaqan Garoowe ee Mahad balaaran u jeediyeen culmada Soomaaliyeed ee meelaha fog fog uga yimid howsha Qayska  Sh Cabduqaadir Nuur Faarax.

Gabagabadii ayaa wafdiga culumadu waxay reer Garowe uga mahadcesheen sida ay xafladii wareejinta deeqda qoyska u abaabuleen iyo sidda ay u soo dhaweeyeenba, isla markaasna waxay soo gaarsiiyeen salaan ay uga sideen culumada ,ducaadda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee USA.

Halgan.net

Leave a comment

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online