Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM oo howlgalo ka wada Degmooyin ka tirsan Gobalka Banaadir
June 11, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa saaka howlgalo ka wada qaar ka mid ah Degmooyin ka tirsan Gobalka Banaadir waxaana ay howlgalada ka socdaan Degmada Yaaqshiid iyo Degmada Hiliwaa .
Dadweynaha ku dhaqan Degmada Yaaqshiid ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay qabteen dhalinyaro badan ka dibna ay isigu geeyeen xarunta ciidanka nabadsugida CID-da.
Howlgallada ay sida wada-jir ah u fulinayaan ciidamada booliska DFS iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa lagu baarayaa guryaha iyo gawaarida sida gaarka ah loo leeyahay.Saraakiil ka tirsan DFS ayaa sheegay
in howlgalada saaka ka socda Degmooyin ka tirsan Gobalka Banaadir ay qeyb ka tahay sugida amaanka magaalada Muqdisho.
A/Cawale
Halgan.net