Ciidanka Booliska Kenya oo laba dhalinyaro oo Muslin ah ku dilay magaalada Mombasa
June 18, 2013 - Written by EditorMombasa:-Wararka ka imaanaya magaalada Mombasa ayaa sheegaya in ciidanka Booliska ee magaalada Mombasa ay shaly ku dileen gudaha magaalada laba dhalinyaro oo Muslin ah kuwaas oo ay ku eedeeyeen in ay xiriir la leeyihiin Ururka Al-Qacida iyo Al-Shabaab.
Booliska Magaalada Mombasa ayaa sheegay in Kassim Omolo iyo Salim Mohamed Nyiro ay uga shakiyeen in ay argagixiso ahaayeen ayna qeyb ka ahaayeen qaraxyadii ka dhacay magaalada Nairobi iyo Dar es Salaam 1998.
Taliya ku xigeenak saldhiga Boooliska ee Kisauni Thomas Sanguti ayaa warbaahinta u xaqiijiyey dilka labada dhalinyaro ee Muslinka ah wuxuuna ku eedeeyey Kassim Omolo in uu ka tirsanaa Al-Qacida.
Sidoo kale Taliyaha Booliska gobolka xeebta ee Mombasa Aggrey Adoli ayaa dhankiisa sheegay in Kassim Omolo iyo Salim Mohamed Nyiro ay ka soo laabteen Soomaaliya wuxuuna sheegay in ay tababar siinayeen dhalinyaro Kenyaan ah si ay ugu biiraan Ururka Al-Shabaab.
Ma ah Markii ugu horeysay ay ciidanka Kenya ku dilaan magaalada Mombasa dad Muslimiin ah iyaga oo aan soo taagin wax maxkamad ah .
A/Cawale
Halgan.net