Culimada Muslimiinta oo ku baaqay in naf, maal & hub lagula Jihaado Bashaar Al-Asad iyo Xisbulaah (Daawo)

June 13, 2013 - Written by Editor

culumoQaahira:-Kulan ay maanta isugu yimaadaan mas’uuliyiin iyo xubno metala 76 raabido iyo hay’ado Islaami ah kana dhacay magaalada Qaahira ayaa waxaa kasoo baxay bayaan uu khriyay sheekha caanka ah ee caalimka ah Sh. Dr. Maxamed Xassaan. Bayaanka ayaa ku baaqay in dadka muslimiinta ah ay jihaad ku qaadaan maamulka dalka Suuriya ee uu ka arrimiyo Bashaar Al-Asad si ay ugu hiiliyaan shacabka reer Suuriya ee taliska Asad uu xasuuqa ba’an ku hayo.

Shirweynaha ayaa eed kulul dusha u saaray mid walba oo kamid ah dowladda Iiraan, maamulka Suuriya, ururka Xizbullaah, dowladda Ruushka iyo dalalka reer galbeedka ee dhanna ku andacooda inay ka damqadaan xuquuqda noolaha dhanka kalena ku eeganaya shacabka Suuriya in la gumaado har iyo habeen.

Bayaanka culimada muslimiinta ayaa u dhignaa sidan

  1. Waxaa waajib ah in lagu jihaado naf, maal iyo hub si loogu hiilyo walaalaheenna reer Suuriya iyo dhammaan noocyada Jihaad iyo hiil iyo in la huro wax walba oo loo adeegsan karo ka samatabixinta  shacabka Suuriya xasuuqa iyo faldambiyeedyada ay u geysanayaan kooxaha isgaashaanbuursaday, iyo inay waajib tahay inay muslimiintu ka shaqeeyaan sidii ay ugu midoobi lahaayeen ka hortagga xadgudubyada iyo qaadashada go’aan adag oo suuragaliya badbaadada ummadda iyo inay eed beesho Alle hortiisa.
  1. In loo aqoonsado waxa ka socda Suuriya ee ah cadaawad qaawan ee ay soo qaadeen maamulka dalka Iiraan iyo ururka xizbullaahi iyo xulafadooda ay bah wadaagta yihiin ee ay kusoo qaadeen eheladeenna reer Suuriya  in uu yahay dagaal cad oo lagu soo qaaday Islaamka iyo muslimiinta oo dhan.

 

  1. In la joojiyo tafaraaruqa iyo khilaafka u dhexeeya muslimiinta guud ahaan, gaar ahaanna mjaahidiinta iyo kacdoon wadayaasha reer Suuriya iyo ina markii ay wax isku qabtaan inay u noqdaan kitaabka iyo sunnada iyo inay maslxada guud ka hormariyaan maslaxada gaarka ah si awooddoodu ugu mideysnaato cadowga ay is hayaan.
  1. Annagoo ah culimada kulankan, waxaan ugu baaqeynaa xukuumaadka reer galbeedka, kuwa muslimiinta, golaha iskaashiga carabta, golaha iskaashiga khaliijka, jaamacadda Carabta iyo munadamada iskaashiga islaamiga inay iska taagaan mawqif mideysan maamul-kooxeedka dambiilaha ah ee Suuriya iyo in ay si deg deg ugu gurmadaan shacabka reer Suuriya iyo kacdoon wadayaashiisa gaarsiiyaanna agabka ay u baahan yihiin ee isugu jira qalab iyo hub si ay uga hortagaan una joogiyaan cadaawadda maamulka Bashaar Alasad iyo xulafadiisa iyo jihooyinkaas hore inay joojiyaan dowladaha maalgaliya maamulkaas sida Ruushka, Shiinaha iyo Iiraan iwm iyo in aad aqbashaan sufarada kacdoonwadayaasha Suuriya iyo kuwa matalaya danaha shacabka Suuriya.
  1. Waxaan ugu baaqaynaa shucuubta muslimiinta  in la cunaqabateeyo badeecooyinka, shirkadaha iyo alaabada ay dowladda Iiraan u iibgeyso dadka muslimiinta ah si loogu hiiliyo dhiigga baxaya ee shacabka Suuriya.

 

  1. Waxaan ugu baaqeynaa hoggaamiyeyaasha fikriga, ra’yiga iyo siyaasadda iyo mu’assadaha warbaahinta iyo murtida inay qaataan qadiyadda reer Suuriya kana hirgaliyaan dhammaan golayaashooda iyo inay muslimiinta ogeysiiyaan xaqiiqada waxa ka socda halkaas iyo dhibaatada ay dibadda u yaallaan shacabka Suuriya ee siugu jirta qaxar, ciqaab,  gumaad iyo qixin.
  1. Waxaan xasuusineynaa xubnaha ciidank Suuriya xaaraamnimada dhiigga dadka aan waxba galabsan iyo ineysan garab siin daalimiinta dambiilayaasha ah iyo inay waajib ku tahay inay ka baxaan ciidankaas kuna biiraan shacabka si ay uga hortagaan cadowga leynaya.
  1. Waxaan xasuusineynaa golaha ammaanka iyo hay’adaha qaramada midoobay xilka dowliga iyo kan aadaminimo ee saaran dartii inay cambaareeyaan, xukumaanna dambinnimada waxa ka dhacaya Suuriya si loo joojiyo, inaan laga hadlin mawqifna laga qaadan waxa ay ku kacayaan maamulka Suuriya, Iiraan iyo ururka Xizbullaah waxay keeneysaa in muslimiintu ay u arkaan in hay’adihiinnu aysan dhexdhexaad aheyn caalamkana aysan isku weel wax ugu begin, waxa aad ka shaqeysaanna uu yahay maslaxada dowladaha waaweyn oo kaliya.
  1. Waxaan cambaareyneynaa kala sooca iyo in qeyb kamid ah kooxaha ka dagaallamaya dalka Suuriya ay u adeegaan cid kale, xilli laga indhalaabanayo dambiyada waaweyn ee maamulka Suuriya iyo xulafadoodu ay u geysanayaan shacabka Suuriya.

 

  1. Waxaan ugu baaqeynaa hay’adaha khayriga ah inay si degdeg ah kaalmo ula gaaraan qaxooriga iyo dadka dhibaateysan ee reer Suuriya iyo in la gaarsiiyo wax kasta oo ay u baahan yihiin oo isug jira maal, marashi, manfaco iyo mudaaweyn iyo wax walba oo u suurtagalinaya jiritaan iyo inay hab sharfan ku  noolaadaan.

Bayaanka waxaa saxiixay hay’adaha kasoo qeybgalay kulankan oo gaarayay 76 raabido iyo munadamo  ayna folaad u tahay hay’adda midowga culimada muslimiinta, hay’adahaas oo ku saxiixay magaca culimada muslimiinta.

Hoos Ka Daawo Bayaankii oo Culumada oo uu Akhrinayo Sheekh Maxamed Xasaan Xafidahulaah

Halgan.net
Qaahira

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online