Culimo safar Dacwadeed ku tegay dalka Koonfur Afrika

June 14, 2013 - Written by Editor

DSC04844Johannesburg:-Waxaa safar dacwadeed ku yimid dalka Koonfur Afrika habeen kii jimcada soo galaysay markay saacadu ahayd 12:14 AM, 14/ 06/13 Sh. Maxamuud Sh. Maxamed Shibli iyo Sheekh C/raxiim Abul caynayn, 2-da sheekhba ayaa laga yaqaanaa dalka Kenya  iyo Soomaaliyaba.

Sheekh.Maxamuud Shibli xaruntiisa waa Nairobi sidda lawada og yahayba, waana imaamka iyo khadhiibka Masjidka wayn ee Al hidaaya, sidoo kale Sh. Abul caynayn ayaa ay xaruntiisu tahay magaalada Mombasa ee dalka Kenya, waxaana uu mudaris ka yahay masjidka wayn ee jaaliyada Soomaalida ee ku leeyihiin magaalada Mombasa, culimada safarkooda waxa uu ku saabsan yahay ka qayb qaadashada dacwada Soomaalida ee dalka Koonfur Afrika iyo guud ahaan muslimiinta wadankan, iyo arrimo kale oo ku tacaluqa dacwada oo muhim ah, waxaana culimada soo dhaweeyay qaar ka mid ah ducaada majliska albayaan ee dacwada dalkan Koonfur afrika, waxaana ka mid ahaa ducaadii soo dhawaysay Sh.Axmed Dheere oo ah xoghaya guud ee majliska dacwada al bayaan, Sh. Qorane oo ka mid ah golaha sare ee majliska albayaan, Sh.Maxamed Aadan C/lle oo ah madaxa dacwada gobolka Gauteng ee albayaan,  sheikh Muxumed Siraad oo ah ducaada Johannesburg iyo ducaad kale, waxaana culimada ay ka soo degeen garoonka caalamiga ah ee Johannesburg, isla maanta waxaa khudbadii jimcaha galay masjidka wayn ee imaamu shaafici ee ku yaalo Johannesburg Sh.Maxamuud Sh Maxamed Shibli oo ka hadlay runtii mowduuc muhim ah (imaanka dhadhanka uu leeyhay, iyo ku sugaanta diinta) waxaana sheekha uu khudbadiisa ku faahfaahiyay sida uu dareemaayo qofka dhadhamiya imaanka macaankiisa iyo sida uu diinta uu ugu sugnaanaayo, sheekha waxuu si waafi ah u sharxay xadiiskii anas (allaha ha ka raali noqdee) uu ka wariyay nabiga (calayhi salaatu wasaalaam) ee ka hadlaayay mowduucan,  hadii allah yiraahdo inta ay joogaan culimada magaaladan Johannesburg iyo guud ahaan dalka Koonfur afrikaba waxay geli doonaan duruus iyo muxaadaraad kala duwan oo dadka ay ka faa,iidaysan doonaan, ayadoo maanta ay ka muuqatay dadka soomaalida ee ku tukaday masjidka imaamu shaafici ee Johannesburg sida ay u soo dhawaynayeen culimadooda ugu timid safarka dacwada

 

Waxaa diyaariyey

Maxamed Aadan C/lle

Madax Dacwada Gauteng

Ee Majliska Al-bayaan

 

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online