Dawro lagu soo khatimay Tafsiir Quraanka Kariimka oo ka dhacday Boosaaso
June 11, 2013 - Written by EditorBoosaaso:Waxaa lagu qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari Dawro lagu soo khatimay Tafsiirka Quraanka Kariimka ah oo uu dhameeyay Sh. Cabdi raxmaan Bukhari waxaana dowradaas ka soo qeyb galay arday tiro badan waxaana laga jeediyey muxaadarooyin iyo tawjiihaad kala duwan .Sheekh Cabdiraxmaan Bukhari ayaa furay dowrada waxaana uu ka hadlay ahmiyada ay leedahay fahamka iyo barashada Quraanka isaga oo ku booriyey dhalinyaradu in ay bartaan sharceeda Islaamka oo aysan cidna marti uga noqon.
Intaas ka dib ayaa waxaa muxaadrooyin kala duwan ka jeediyey culumada kala .
1-Sheekh C/raxmaan Bukhaari
2-Sheikh Cali Sh.Ismaaciil “Sh.Cali Dheere
3-Sheikh Maxamuud Cismaan Maxamed
4-Sheikh Cabduqadir Maxamed Maxamuud
5-Sheikh Mawliid Axmed Mataan
Culumada ayaa waxay ka hadleen Icjaazka Quraanka ,Al Cilmiyi Fil Qur’aan ,Masaalixil Ummah Fii Daw’I Al Qur’aan Alkariim , Macaalimu Dacwa ilalaah Fii Daw’I Al Qur’aan Alkariim ,Dacwa ilalaah iyo ugu danbeyntii Fadluhu Wa adabu Xamalatul Qu,aan.
Halgan.net ayaa idiin soo gudbin doonta dhawaan muxaadaraadka ay culumada ka jeediyeen Dawro lagu soo khatimay Tafsiir uu dhameeyay Sheikh Cabdiraxmaan Bukhari
Halgan.net
Boosaaso