Dibad bax lagu taageerayo Juba Land laguna diidan yahay siyaasada DFS oo ka dhacay Garoowe
June 10, 2013 - Written by EditorGaroowe:-Banaanbax lagu taageerayo Maamulka dhawaan laga dhisay magaalada Kismaayo ee Jubland ayaa waxaa uu ka dhacay maanta magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland waxaana banaanbaxa ka qeybgalay Xildhibaano ka tirsan golaha baarlamaanka ee Puntland,maamulada gobolada Nugaal ,Mudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Garoowe.
Banaanbaxa ayaa waxaa looga soo horjeeday dagaaladii ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose waxaana dadweynaha dhigayey Banaanbaxa ay ku dhawaaqayeen erayo lid ku ah
Madaxda DFS iyaga oo ku eedeeyey in ay colaad ka hurinayaan magaalada Kismaayo
Dadweynaha Banaanbaxa dhigayey ayaa socod dheer ku soo mareen wadooyinka magaalada Garoowe waxaana markii danbe ay isigu tageen Barxada weyn Garoowe.Waxaana halkaas kula hadlay
Xildhibaan Cabdulaahi Maxamed Jaamac (Quraan jecel) ,Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) ,Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali waxayna dhamaan ku eedeeyeen
Madaxweynaha DFS in uu colaad ka hurinayo magaalada Kismaayo waxaa kale oo ay ugu baaqeen Raisulwasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon Saacid in uu wax ka qabto xaalada magaalada Kismaayo.
M_M Deeq
Halgan.net