Dibadbax looga soo horjeedo Koonfur Afrika oo ka dhacay Baladweyne iyo Guriceel

June 12, 2013 - Written by Editor

wiilHiiraan:-Banaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo tacdiyada lagu hayo dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu ka kala dhacay magaalooyinka Guriceel iyo Beledweyne waxaana dad weynaha dhigayey Dibad-bax ay ku qeylinayeen erayo lid ku ah dowlada Koonfur Afrika .

Magaalooyinka dalka Koonfur Afrika ayaa noqday kawaan lagu qasho dadka Soomaaliyeed ee qaxa ku tagay dalkaas ka dib markii ay ka soo barakaceen dagaalo iyo dhibaatooyin ka jira dalkooda  waxaana ilaa haatan lagu dilay dalka Koonfur Afrika Soomaali gaareysa boqolaal kuwaas oo loo dilay si aad u foolxun.

Banaanbax ka dhacay magaalooyinka Baladweyne iyo Guriceel ayaa waxaa ay shacabka ku muujiyeen sida ay uga xun yihiin tacdiga iyo dilalka joogtada ah ee loo geysanayo shacabka Soomaaliyeed waxaana ay ugu baaqeen masuuliinta DFS in ay arinkaas wax ka qabtaan lana soo laabtaan safiirka halkaas u jooga dowlada Soomaaliya.

Dibad-baxyo ballaaran oo la mid ah midka ka dhacay magaalooyinka Baladweyne iyo Guriceel ayaa waxaa uu horay uga dhacay magaalooyinka Garoowe, Buuhoodle, Muqdisho ,London iyo Minisota waxaana wili socda Banaanbaxyada ay dhigayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka gudahiisa iyo dibadiisa.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online