Dowllada Puntlland oo xalay si tijaabo ah hawada u soo galisay Puntland TV

June 19, 2013 - Written by Editor

WarbaahiintaGaroowe:-Waxaa shalay si tijaabo ah hawada u soo galay Teleefishin ku hadli doona afka Dowllada Puntlland iyadoo xalay laga daawaday dunida daafaheeda kale duwan waxaan uu noqonayaa  markii ugu horeysay oo Tv- ku hadla afka Dowllada Puntlland  si rasmi ah uu u si tijaabo ah u shaqo galo mudo 15 sano ah ka dib. Dhamaan Saxafiyiinta kale duwan ee ka howl gala degaanada Idaacadaha iyo Tv-da Puntlland iyo Soomaaliya ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shaqaalaha cusub ee Puntllandtv iyagoo ku booriyey in shaqdooda ay uga soo baxaan si wanaagsan ayna ka fogaadaan wax walba oo wax u dhimay sumacadooda iyo sumacada Saxaafada.

Dowllada Puntlland  ayaa usbuucyo ka hor waxaa ay si rasmi ah u howl gelisay Idaacada lagu magacaabo Radio Puntlland oo ku hadli doonta afka Dowllada Puntlland waxaan agaasime looga dhigay Saxfi Axmed Kismaayo oo aqoon durugsan u leh saxaafada. Radio Puntlland ayaa waxaa laga dhagaystaa Mowjadaha kala ah Sw1ka, SW2-ga iyo  Fr:13.800 Mg ama 24.5 Meter Band. Puntllandtv ayaa qofkii raba in uu Daawado waxaa uu ka daawan karaa Thaicom 3640 FR:28066 SIZE 3/4 Horizental.

Afhayeenka Dowllada Puntlland  Axmed Cumar Xirsi Libaaxjoore ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shaqaalaha iyo masuuli yiinta Puntlandtv oo xalay si tijaabo hawada loo geliyey. Afhayeenka ayaa waxaa kale oo uu sheegay in dowlladu ay aad u soo dhaweynayso in qorshahoodii ahaa in Tv- ku hadla afka dowllada uu shaqo bilaabo iyo in dadka ku nool degaanada Puntlland iyo dunidaba ay daawadaan wax ka jira Puntlland ee horumar iyo nabadgelyo ah.

 

M_M_Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online