Dowro diini ah oo loo furay Ardayda magaalada Garoowe ee xarunta Puntland

June 22, 2013 - Written by Editor

Galhudaaroowe: Dawradii shanaad oo ka furmatay magaala madaxda Puntland ee Garowe ayna soo qabanqaabisa Mu’sasad Al-minhaaj faraceeda Garowe dawradaan oo loogu magac daray Al-Risaala .

Iyadoo la qabto xagaag kasta Loona qaabto ardayda dugsiyada sare iyo jaamacadaha waxayna gaarayaan ardaydaan 450 arday oo iskugu jira rag iyo dumarba waxaana lagu qabtay masjidka weyn ee AL-HAUDA dabaqa saddexaad waxyna furmatay maalinkii khamiista bisha islaamku ay ahayd  11/soondhhere/143kuna beegnayd 20 /juun/2013. waxaana ka soo qaybgalay xafladii furitaanka dawrada culumaau’diin, wax garad, masuliyiinta dawlada puntalnd iyo marti sharaf kale.

Ugu horayn waxaa furay shirkii furitaanka dawrada gudoomiyaha fulinta dawrada  Maxamuud Ducaale Faarax oo ka hadlay kuna dheeraday asbaabaha iyo ujeedoyinka laga lee yahay dawradaan iyo casharada ka bixidoona haddu ALLE idmo.

Waxaana sidoo kale ka hadalkiisa ka qaatay Gudomiyaha Mu’sasada Al-mihaaj faraceeda Garoowe Maxamed Cali Axmed  isagoo gudoomiyuhu ku dheeraaday turxaan bixiyayna wax qabadka mu’sasada iyo shaqooyinkii ugu danbeeyay ee mu’sasadu fuliso baaqna u jeediyay bulshada reer Puntland, dawladda ,ganacsato iyo waxgaradba in lala garab galo howlaha ay fulinayso mu’sasadu sidoo kale lala garab istaago hiil iyo haab intii la awoodo.

Sidoo kale waxaa kalimad qiimo leh ka soo jeediyey Sheekh Daahir Aw Cabdi  wuxuuna ku waaniyay ardayda inay ka faaidaystaan fursadaan qaaliga ah bartaana diintooda kana digay afkaarta khaldan iyo xadgudbka diineed wuxuuna ku waaniyey in ay ka waantoobaan tahriibta iyo barcad badeeda.

Waxaa hadalo kala duwan ka jeediyey kulankan cilmiyaadkaas xoghayaha dawladda hoose ee Garoowe Qaasim Maxamed  iyo wasiir ku xigeenka wasaarasa caddaalada iyo awqaafta diinta.

Si kastba ha ahaatee waxaa si rasmi ah u furay dawrada Al-risaala wasiirka maamul wanaagga iyo madaxtooyada Puntland Axmed Faarax Ciise (Gaashaan ) Dawradaan ayaa  socon doonta mudo 12 bari haddu ALLE idmo.

Halgan.net
Garoowe

Leave a comment

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online