Ergayga gaarka ah ee arrimaha Soomaaliya ee QM oo maanta gaaray Hargeysa
June 13, 2013 - Written by EditorHargeysa:-Ergayga gaarka ah ee arrimaha Soomaaliya u qaabbilsan xoghayaha guud ee QM Nicholas Kay ayaa maanta gaaray magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland waxaana garoonka ku soo dhaweeyey masuuliin ka tirsan S/land.
Ergayga gaarka ah ee arrimaha Soomaaliya u qaabilsan xoghayaha guud ee QM Nicholas Kay ayaa waxaa uu kulan la qaatay wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Maamulka S/land Maxamed C/laahi Cumar, waxaana ay ka wada hadleen sidii xafiiska UNSOM iyo S/land ay u wada shaqeyn lahaayeen.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Maamulka Somaliland ayaa sheegay in ay ka wada hadleen Ergayga gaarka ah ee arrimaha Soomaaliya u qaabilsan xoghayaha guud ee QM Nicholas Kay adkaynta nabadgelyada, iyo horumarinta Mashaariicda QM ka wado S/land waxaana uu sheegay wasiirku in uu aad ugu faraxsan yahay booqashada Nicholas Kay uu ku tagay S/land.
Maamulka S/land iyo xafiiska UNSOM ayaa waxaa soo kala dhexgalay khilaaf ka dib markii DFS iyo QM ay arimo badan isla meel dhigeen .
Ugu dambeyntii ergaygu QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu gacan ka gaysato wada-hadallada Somalia iyo Somaliland ee haatan hakadka uu ku yimid.
A/Cawale
Halgan.net