Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsan Soomaaliya oo Muqdisho soo gaaray

June 3, 2013 - Written by Editor

unsomMuqdisho:-Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ayaa  maanta shaqadiisa bilaabaya.Mr. Ban Ki-Moon, ayaa  dhawaan beddelay Ergeygii u qaabilsanaa Soomaaliya, una magacaabay inuu xilkaas la wareego Nicholas Kay, oo ah Diblomaasi u dhashay Britain, waxaana uu Mr. Key maanta si rasmi ah shaqada ugala wareegayaa Mas’uulkii xilkaas uga horreeyey Mr. Mahiga.

Nicholas Kay, ayaa xafiiskiisa ugu weyn ee uu ka howlgalayaa uu noqonayaa Muqdisho, waxaana xafiiska uu mas’uul ka noqonayaa dhammaan howlgallada QM ee Soomaaliya, isagoona taageeri doona dowladda federaalka iyo ciidanka AMISOM ee Soomaaliya ku sugan.

QM, ayaa taageerta dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoona waddanka Soomaaliya u soo magacowday Madax uga wakiil ahaa xoghayayaasha guud ee QM, kuwaasoo xafiiska u kala dambeeyey.

Augustine P. Mahiga, ayaa xilkaan kaga horreeyey Diblomaasiga reer Britain, waxaana xafiiskii Mahiga lagu magacaabi jiray  UNPOS, xaruntiisuna aheyd magaalada Nairobi, halka xafiiska cusub lagu magacaabo UNSOM, kuna shaqeyn doona gudaha Soomaaliya.

Halgan.net/Somalireal

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online