Hay,adda Al-lsunna oo tababar uqabatayDucaada iyo Macalimiinta Magaalada Jigjiga (Masawiro)
June 3, 2013 - Written by EditorJigjiga:-Hay,adda waxbarashada iyo dacwada dawlada D.D.S.I. ayaa tababar ufurtay ducaada iyo macalimiinta ka hawlgala magaalda jigjiga ,tababarkan oo looga goleeyahay korloogu qaadidda tayada ducaadada & macalimiinta qur,aanka ,ayaa waxaa furay godoomiyaha hay,adda Sheekh Maxamed Xasan Cabdulaahi wuxuuna soo dhaweeyay ducaadii iyo macalimiintii ka soo qaybgalay tababarkan .
Sheekh Maxamed Xasan Cabdulaahi ayaa ka hadlay muhimada looga goleeyahay tababarkan oo ah xoojinta iyo kor uqaadidda tayada ducaada, isaga oo sheegay in ay mar walaba hay,addu dadaal ugu jirto sidii loo helilahaa macalimiin iyo ducaad xirfad u leh diinta islaamka waxana ka badalikara bulshada deegaanka iyo tan muslimiinta guudba,
Waxaa isaguna tababarkan furitaankiisii kahadlay gudoomiyaha golaha arimaha islaamka Sheekh C/raxmaan Xasan oo soo dhaweeyay tababarkan kunatilmaamay mid lagu farxo ,isaga oo ku,amaanay hay,adda Al-sunna dadaalkeeda ay ugu jirto kor uqaadista wacyiga bulshada deegaanka ,gudoomiyaha ayaa ugubaaqay ducaadii iyo macalimiintii ka sooqayb galay tababarka in ay dawrkooda ka soobaxaan kana faa iidaystaan tababarkan, waxaa sidoo kale isaguna ka hadlay munaasabadan furitaanka tababarka gudoomiyaha maxkamada shareecada islaamka Sheekh Muxumad Yuusuf,oo fursad qaali ah ku tilmaamay tababarkan kuna booriyay ka sooqayb galayaasha dawrada in ay kafaa iidaystaan, tababarka.
no images were found
Tababarkan oo ka socda hoolka Maxkamada gobalka ee magaalada jigjiga ayaa socon doona mudo sadex maalmood ah waxaana lagu qaadan doonaa maadooyin kala duwan oo quseeya ducaada iyo Macalimiinta Qur,aanka.
Hay,adda Al-sunna ayaa dadaal deeri ah ugu jirta dardar galinta iyo kor qaadista wacyiga bushada deegaan ka iyada oo umaraysa tababarada, muxaadaraadka, duruus isdaba jog ah ee ay ku qabato deegaanka soomaalida
Daahir Shaafi Maxamed
Jigjiga