Hay’adda Marda oo ku qabtay Magaalada Leicester Shir Sanadeedkeedii.[Video+masawiro]
June 25, 2013 - Written by EditorLeicester:-Maalinimadii Axada oo ay taariikhdu aheyd 23-06-13 waxaa lagu qabtay magaalada Leicester ee dalkan ingiriiska shirkii sanadlaha ee Hay’adda Marda, kaasoo ay ka soo qeyb galeen dhamaan xubnaha ururka ee ku kala sugan daafaha adduunka. Ugu horayntii waxaa shirkaas furay Gudoomiya Hay’adda Marda Mudane Abdidahir Jibriil (Sodonlle) oo si qoto dheer uga hadlay wax qabadkii Hay’adda inta ay jiray iyo caqabadihii ka horyimid taas oo uu si fiican u faahfaahiyay.
Intaas ka dib waxaa hadalkii la wareegay Co-odinatorka Hay’adda (Marda) Mudane Abdifatah Ahmed Guure oo aad uga hadlay waxa keenay in Hay’adda Marda oo dhisnayd mudo yar in ay gaarto guulaha intaas la’eg oo la taaban karo. Isagoo qeexay sidda lagaga bixi karo caqabadaha hadda horyaala.
no images were found
Waxaa kale oo uu co-ordinatorka Hay’adda Marda uu halkaas ku soo bandhigay dhaqaalihii ururka soo galay mudadii yareyd ee ay jirtay iyo sidii wanaagsaneyd ee loo maareeyay, taasoo ay aad ugu riyaaqeen dhammaan xubnihii halkaas goob jooga ka ahaa.
Waxaa kale oo inta uu socday kulanka qadka taleefoonka uga qeybqaadatay Marwo Sahra Axmed Calas oo ka mid ah guddiga fulinta ee Hay’adda Marda oo hadda Howlo shaqo u joogta waddanka Kenya, taasoo u hanbalyeeysay dhammaan dadkii kasoo qeyb galay shirkaas iyo kuwii soo qabanqaabiyeyba. Sidoo kale Marwo Sahra waxaa ay halkaas ka soo jeedisay howlihii uga qabsoomay waddankaasi Kenya intii ay joogtay.
Falanqeyn dheer ka dib waxaa kaloo xubnihii halkaas isugu yimid ee Hay’adda Marda ay go’aamiyeen in deeqo lacageed loogu deeqo walaalo soomaaliyeed oo ku dhibaateysan wadanka Suuriya, taasoo ka mid ah ujeedooyinkii loo aas aasey Hay’adda in ay wax u qabto dadka soomaaliyeed ee ku dhibaataysan daafaha adduunka.
Sidoo kale waxaa halkaas lagu go’aamiyey in la qabto shirweyn oo ay kasoo qeybgali doonaan dhammaan Jaaliyadda Soomaali yeed ee ku nool waddankan UK kaasoo loogu soo bandhigi doono waxqabadka guud ee Hay’adda Marda muddadii ay jiray iyo halka ay higsanayso mustaqbalka.
Waxaa kale oo halkaas xaflad sagootin ah loogu sameeyay Marwo Nadiifo Abdul Gare oo loo aqoonsaday in ay noqotay xubintii ugu fir fircooneyd sanadkii tegay, iyadoo halkaas lagu gudoonsiiyay abaalmarin sharafeed. Ugu danbeyntii waxaa shirka soo xiray oo qaatay kalimadii gabgabada gudoomiyaha Hay’adda Marda Mudane Abdi-dahir Jibriil oo halkaas ugu hanbalyeeyey dhamaan xubnihii sida firfircoon howladoodii shaqo u gutay iyo sidoo kale qaban qaabiyaashii shirkaas. Waxaa kale oo uu kula dardaarmaya dhammaan xubnaha in ay howladooda sii kordhiyaan si loo gaaro hadafka Hay’adda Marda.
Hoos ka Daawo Video-ga Shirka Hay’adda Marda ay ku qabtay Magaalada Leicester.
Co-ordinator Marda
Abdifatah Ahmed Guure