Howl galo ay ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ka sameeyeen magaalada Muqdisho

June 1, 2013 - Written by Editor

Caasimadda-MuqdishoMuqdisho:-Ciidamo ka tirsan DFS iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa ay saaka ka bilaabeen howl galo qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho iyagoo qab qabtay dhalin yaro badan , Ciidanka DFS oo ay gacan sinayaan kuwa AMISOM ayaa guryaha ka baarayey hub iyo walxaha qarxa iyagoo isla markaan si gooni u bartilmaamsanayey guryaha qaarkood.

Goobaha ay ciidan DFS iyo kuwa AMISOM baaritaanka ka sameeyeen ayaa waxaa ka mid ah Degmada Wardhiigley oo hadda loo bixiyey Warta Nabad , ciidanka ayaa qabtay dhalin yaro ay ku eedeeyeen in ay amaan daro ka wadaa magaalada Muqdisho iyo in ay xiriir la lee yihiin ururka Al-shabaab ee dagaalka kula jira ciidanka Dowllada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Howl galka ay ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ay saaka bilaabeen magaalada Muqdisho ayaa ah howl galo in mudo ah ay soo wadeen ciidanku ayna sheegeen in ay doonayaa in ay ku sugayaan amaanka magaalada Muqdisho si ay uga hortagaan weeraro kaga imaanaya dhinac ururka Al-shabaab.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online