Jariidadda Standard oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ka Xaqiijisay Saxiixii Fawsiya

June 10, 2013 - Written by Editor

calanGaroowe:-Jariidadda Standard ee ka soo baxda Nairobi ayaa warbixin dheer ka qortay qoraalkii ay kala saxiixdeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Kenya iyo Soomaaliya – soona raacisay saxiixii labada wasiir arrimaha dibadda.

Waxaa kale oo jariidaddu wax ka qortay Heshiiskii is-fahamka MOU ee 2009, in dadka Soomaaliyeed ka dhiidhiyeen heshiiskaas, in Kenya aysan helayn xuquuqda shidaal sahamineed haddii heshiiskaasi MoU uusan dhaqan gelin iyo bayaankii Golaha Wasiiradda ee DFS ee June 2013

“Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa diidey dalabkii wadahadal ku saabsan xadka muranku ka jiro ee ay la wadaagaan Kenya,” sidaas waxaa qortay jariidada Standard ee ka soo baxda Kenya June 9, 2013.

standard_jun1013Jariidaddu waxay qormadeed ku bilowday “arrintini waxay noqonaysaa markii labaad ee kala fogaansho siyaasadeed soo kala dhax galo labada dal ee deriska ah.”

Standard oo warkeeda sii waday waxay qortay “Go’aankii Golaha Wasiirada Soomaaliya waxa uu raad ku yeelanayaa in shirkadaha shidaalka baara aysan batrool iyo gaas ka sahamin badda la isku haysto. Aagagga badda ee loo cayimay in la sahamiyo waxaa ka mid ah aagga Block L5.”

Halkan Ka Akhriso Qoraalkii oo ay ka qortay SomaliTalk oo Dhameystiran

SomaliTalk.com

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online