Kalfadhigii 30-aad ee Golaha Baarlamaanka Puntland oo ka furmay Garoowe

June 15, 2013 - Written by Editor

1Garoowe:Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Garoowe kalfadhigii 30-aad ee golaha baarlamaanka Puntlland waxaan si rasmi ah u furay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen.Cabdi Samad Cali Shire ahna ku simaha madaxweynaha Puntland. Kalfadhiga Baarlamaanka Puntlland ayaa waxaa la qabtaa  sanadkiiba ilaa labo jeer waxaan looga doodaa ajandayaasha ay 2-da gole ee dowllada Puntlland soo gudbiyaan.

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntlland C/rashiid Maxamed Xirsi oo isagu la hadlay Xildhibaanada Puntlland oo tiradoodu gaaraysay ilaa 48 Xildhibaan oo maanta soo xaadiray kulanka ayaa waxaa uu sheegay in ajandaha shirka uu yahay miisaaniyada sanadkii hore ,degmooyin iyo Gobol la doonayo in la ansixiyo iyo qodobo kale.

Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen.Cabdi Samed Cali Shire ahna ku simaha madaxweynaha Puntland oo isagana khudbo ka jeediyey furitaanka kalfadhiga Golaha baarlamaanka ee Puntlland ayaa waxaa uu ka hadlay amaanka Puntlland , siyaasada Puntlland iyo mid dowllada Federaalka.

Madaxweyne ku xigeenka  Puntland Gen.Cabdi Samad Cali Shire ayaa sheegay in amaanka guud ee Gobollada Puntlland  uu fiican yahay wuxuuna ku booriyey shacabka Puntlland in ay dhinac amaanka kala shaqeeyaan ciidanka amniga si nabadgelayadu ay u hagaagto loogana hortago kooxaha doonaya in ay wiiqaan  amaanka iyo nabadgelyada ka jirta Puntlland.

Madaxweyne ku xigeenka Puntlland  Gen.Cabdisamad Cali Shire oo soo hadal qaaday  Jubbooyinka ayaa waxaa uu sheegay in Dowllada Federaalka Soomaaliya ay  bedeshay Dastuurka dalka ayna jaal la noqotay ururka Al-shabaab isagoo xusay in bulshadu ay la yaaban tahay dowllada federaalka waqtiga yar ee ay jirto iyo sidda ay u dhinac martay Dastuurkii lagu hishiiyey laguna doortay madaxda DFS.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online