Kulan balaaran oo Sh Shible iyo Sh Abulcaynayn ay la yeesheen Ducaada Johannesburg

June 27, 2013 - Written by Editor

20130626_195351Waxaa caawa oo ay bishu tahay 26/06/13 qabsoomay kulan ballaaran oo ducaada Johannesburg ay la yeesheen Sh.Maxamuud Shibli iyo Sheekh C/Raxiim Abul-Caynayn. Kulankan caawa ayaa wuxuu qabsoomay ka dib markii labada sheekh oo beryahan safar dacwo ku joogay dalka Koonfur Afrika ay masjidka imaamu Shaaci ka akhriyeen muxaadaraad iyo duruus kala duwan. Kulankan oo looga arrinsanayay dacwada dalka Koonfur Afrika ayaa wuxuu ahaa mid u dhexeeya ducaadda reer Johansburg iyo culimada martida ah ayaa ka dhacay masjidka Imaamu-shaafici ee xarunta mu’assada Albayaan ee dalka K/Afrika.

Culimada ayaa soo jeediyay warbixin dheer oo ku saabsan dacwada Islaamka ee geeska Afrika, iyagoo si gaar ah uga faallooday dacwada barakeysan ee ka socota dalalka Kenya, Uganda iyo Itoobiya.

no images were found

Sheekh Shibli oo dhowaan kasoo laabtay dalka Itoobiya iyo gobolka Soomaalidu degto ayaa wuxuu si gaar ah uga warbixiyay gobolka soomaalida iyo guud ahaan dalka Itoobiya dacwada ka jirta. Labada Sheekha oo si waafi ah ugadharjiyay ducaaddii J/burg xogtii dacwo ee dhulkii ay soo mareen, ayaa tilmaamay in Alle barakeeyay dacwada salafiga ah, ayna taabba gashay wallow ay jiraan caqabaad door ah oo wali hortaagan una baahan in laga gudbo.

Dhanka kale Sh. Yuusuf Maxamed Xuseen oo ka tirsan golaha sare ee majliska Albayaan ayaa isagana warbixin soo jeediyay shirkii culimada Muslimiinta ee dhowaan ka dhacay magaalada Qaahira ee dalka Masar oo uu ka qeybgalay isaga oo matalaya majliska Albayaan ee dalka K/Afrika.

Sh. Yuusuf oo warbixin dheer halkaa ka jeediyay ayaa sheegay ujeeddada kulankaas inay aheyd in culimada Muslimiinta ay ka wada xaajoodaan qaabkii loogu gurman lahaa, loona difaaci lahaa sunniyiinta reer Suuriya ee gumadka ba’an uu ku hayo maamulka Bashaar Al-Asad, iyadoo sheekhu uu halkaa ka akhriyay bayaankii kasoo baxay shirkaas ee ay saxiixeen culimo ka kala socota in ka badan 70 mu’assaso iyo raabido oo caalamka ka dhisan.

Kulankan ay caawa isugu yimaadeen culimada socotada ah iyo ducaadda ee K/Arika ayaa waxaa soo qabanqaabiyay guddiga dacwada ee albayaan ee gobolka Gauteng, waxaana goob joog ka ahaa ducaad aad u farabadan iyo culimo uu ka mid ahaayeen:

1) Sheekh Xasan Guure oo ah amiirka guud ee Albayaan

2) Sheekh Axmed-dheere oo ah xoghayaha guud ee Albayaan

3) Sheekh C/Razzaaq-Mowlaanaa oo ah madaxa maaliyda Albayaan iyo ducaad kale oo farabadan, waxaana xiriirinaayay Sheekh Maxamed Aadan C/lle, waxaana uu kulankaa ku soo dhamaaday guul.

Waxaa Diyaariyey

Maxamed Aadan C/lle

Madaxa Dacwada Gobolka

GAUTENG ee Al-bayaan

Leave a comment

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online