Madaafiic xalay lagu weeraray xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya
June 17, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Waxaa xalay weerar Madaafic ah lagu qaaday xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho waxaana weerarkaas uu sababay khasaaro kala duwan waxaana ku dhaawacmay askari ka tirsan ilaalada gaarka ah ee xarunta Villa Soomaaliya.
Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaa saaka howlgalo ka bilaabay degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag waxaana ay qabteen boqolaal qof iyaga oo iskugu geeyey xarunta ciidanka nabadsugidda.Dad joobjoogayaal ah ayaa sheegaya in Hoobiyaasha ay ku dhaceen agagaarka xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya waxaana tiradooda lagu sheegay ilaa afar madfac waxaana mas’uuliyadda duqeymahan sheegatay Ururka Al-shabaab.
Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaa saaka howlgalo ka wada degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag waxaana ay ciidamadu si gaar ah u baarayaan xaafadda Black Sea, Baar Ubax, Al-Baraka ilaa Warshadda caanaha. Saraakiisha ciidanka DFS ayaa sheegay in howlgalada ay sii socon doonaan waxaana ay sheegeen in qaar ka mid ah dadkii saaka ay qabteen la sii daayey markii su,aalo la weydiiyey ka dib.
A/Cawle
Halgan.net