Madaxweynaha DFS oo Cambaareeyey weerarkii lagu qaaday xarunta UN-ta

June 19, 2013 - Written by Editor

xasanMuqdisho:-Madaxweynaha Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo ka hadlayey qaraxii iyo weerarkii kooxaha argagaxisada ku sameeyeen xarunta Qaramada Midoobey ee Muqdisho ayaa yiri.

“Al Shabaab waxey dhib ku hayaan shacabka Soomaaliyeed. Is qarxintii ay maanta u geysteen dadkii u soo gurmaday shacabka ee arrimaha gargaarka iyo dib u dhiska oo aan hubeysneyn waxey na tuseysaa inaysan wax muraad ah ka laheyn shacabka iyo dalka Soomaaliya.

“Waxaa la caddeeyey inay qaraxan ku dhinteen 8 qofood oo afar ay ahaayeen Soomaali. Anigoo ku hadlaya magaca shacabka iyo kan dowladda Soomaaliyeed waxey tacsi u dirayaa eheladdii iyo saaxiibadii ay ka geeriyoodeen, isla markaana EEBBE uga baryey in inta dhaawaca ah uu EEBBE u fududeeyo dhaawacooda.

“Waxaan la hadlay Ban Ki Moon, Xoghayaha Guud ee QM iyo Nick Kay, Ergeyga Gaarka ah ee XG ee QM, oo aan u sheegey sida aan uga xumahay falkan arxan la’aanta ah, igana gaarsiiyaan farriinteyda dhammaan shaqaalaha Qaramada Midoobey. Xeradan QM waxaa joogey shaqaale u soo gurmaday shacabka Soomaaliyeed, mana aheyn inay falal noocan oo kale ah ay ka dhacaan.

“Waxaan u mahadcelinayaa ciianka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM oo si dhaqsi leh u gurmaday isla markaana badbaadiyey qaar ka mid ah shaqaalaha. Shaqaalaha QM ee xarunta joogey waxey si geesinimo leh u dhaqmaan xilli ay falalka argagaxa ay socdeen. Waxaa mahad Alle ah in a in badan bad-baadeen.

“Sanadkii la soo dhaafay Soomaaliya waxey ku tallaabsatay horumar. Waxaan ku jirnaa waqtigii dib u soo kabashada, nabadeynta iyo dib u heshiisiinta. Argagaxnimo iyo dagaal noocan oo kale ah ma naga leexinayaan waddada horumarka ee aan ku socono.

“Al Shabaab waxey ka soo horjeedaan nabadda shacabka. QM iyo dhammaan hay’adaha saacida Soomaaliya way ogyihiin in Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumar oo aan wadajirkeena si xoog leh u wada taagnaan karno oo aan ka wada shaqeyn karno sidii dalka amni iyo kala danbeyn loogu soo celin lahaa.”

      DHAMAAD –

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online