Madaxweynaha DFS oo khudbad ka jeediyey xalay Munaasabadda 26-ka Juun
June 26, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud ayaa xalay waxaa khudbad uu ka jeediyey munaasabada loo sameeyey xuska 26-ka Juun oo ah maalintii ay xoroobeen Gobollada Waqooyi isagoo cadeeyey sidda ay muhiim u tahay Midnimada Ummadda Soomaaliyeed. Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud ayaa sheegay in xorriyadda dalka Soomaaliya dhib badan loo soo maray isagoo Amaan iyo bogaadin u soo jeediyey dadkii Soomaaliyeed ee dhliyey xorriyadda ay maanta dad badan oo soomaali ah ay ku naaloonayaan
Madaxweynaha Dowllada Federaalka Soomaaliya Xassan Sh.Maxamuud ayaa xusay in dowlladiisu ay dhowri doonto midnimada dalka Soomaaliya isagoo sheegay in jiraan dhibaatooyin dhacay iyo in maamulka Somaliland ay wax tirsanayaan balse ay dowlladiisu ay doonayso in dhibkii dhacay ay daaweyso.
Madaxweyanaha Dowllada Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa kale oo uu sheegay in dowlladiisu ay siiwadi doono wada hadala ay kula jirto maamulka Soomaaliland isagoo ku baaqay in laga wada shaqeeyo wixii ku saabsan arrimaha bulashada iyi amniga
Xaflada lagu xusayey 26-ka Juun xalay ayaa waxaa ka soo qayb galay Ra’iisul wasaaraha DFS,Guddoomiyaha Baarlamaanka , wasiiro , Xildhibaano, Saraakiil iyagoo ka jeediyey khudbado kale duwan.
A/cawaale
Halgan.net