Madaxweynaha DFS oo ku tilmaamay heshiiska Cotonou inuu yahay fursad dib loogu dhisayo Somalia

June 10, 2013 - Written by Editor

Mogadishu 09 June 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa soo dhoweeyey go’aankii EU oo Somalia inay dib uga mid-noqoto saxiixayaasha Heshiiskii Cotonou.

Madaxweynaha isagoo ka hadlaya faa’iidada heshiiskan ayaa yiri “Heshiiskan Cotonou waxaan fursad u heleynaa in EU ay Somalia ka fuliso mashaariic horumarineed si aan dalka dib ugu dhisno. Mashaariicdan horumarineed waxey shaqo u abuureysaa dhalinyarada si ay uga qeybqaataan dib u dhiska dalka uguna noolaadaan dalkoodii oo horumar iyo barwaaqo ay jirto.

“Dowladdu waxey juhdi gelisey horumarinta xiriirka caalamiga oo oggolaashahan waxuu qeyb ka yahay ka mid noqoshadeena beesha caalamka.”

Kulankii heerka wasiiro ee EU iyo ACP ee Brussels lagu qabtay 3dii illaa iyo 7dii June oo ay wada shir guddoominayeen Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Botswana Mr Phandu Skelemani, iyo Wasiiru Dowlaha Ganacsiga iyo Horumarinta ee Ireland, Mr. Joe Costello, ayaa lagu go’aamiyey in Somalia ay ka mid noqoto saxiixayaasha Cotonou. Mr Joe Costello oo shir jaraa’id qabtay kulanka ka dib ayaa yiri “Go’aankan maanta oo ay Somalia uga mid noqotneyso saxiixayaasha Cotonou waxey irid cusub u fureysaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo ah calaamad in Somalia ay dib ugu soo laabatay xubinimadeedii beesha caalamka.”

Safiirka Somalia u fadhiya EU, Belgium iyo Talyaaniga Mudane Nur Xasan Xuseen (Nur Adde), ayaa ka qeyb galay shirka wasiirada EU iyo ACP isagoo matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Somalia ayaa loo oggolaaday inay xubin kor joog ah noqoto oo sanadka danbe noqon doonta xubin buuxda. Dowladda Somalia ayaa xubin ka ahaan jirtey Heshiiskii Lome ka hor 1991 oo markii danbe loo bixiyey Heshiiskii Cotonou sanadkii 2000.

– DHAMAAD –

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)

Senior Advisor & Spokesperson

Office of the President of the Federal Republic of Somalia

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online