Madaxweynaha DFS oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’ada Xiriirka Caalamiga ee Japan

June 2, 2013 - Written by Editor

Akihiko_TANAKAMadaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa isna sidoo kale u mahadceliyey marti-gelinta Japan ay u fidisay iyo hoggaanka saliimka ah ee ay ka qaadatay arrimaha Soomaaliya. Madaxweynaha Somalia ayaa sidoo kale uga mahadceliyey dowladda Japan gaar ahaan Ra’iisul Wasaare Abi go’aankiisa ahaa in xiriirka Japan iyo Somalia dib loo soo nooleeyey oo Japan ay si toos ah ula mucaamileyso Dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa warbixin kooban siiyey Guddoomiyaha JICA ee ku wajahan xaaladda dalka gaar ahaan mashaariicda shacabka Soomaaliyeed ay sida deg-dega ah ugu baahanyihiin si horumarka ka bilowday Somalia loo sii ambaqaado. Madaxweynaha ayaa sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay u baahan yihiin tababaro xirfadooda shaqo siyaadisa isla markaana nolol u abuurta iyo mashaariicda dib u dhiska oo iyagana shaqo abuuris u sameyn kara shacabka Soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii Guddoomiyaha JICA ayaa ballanqaaday in iskaashi toos ah oo xagga mashaariicda ay la sameynayaa dowladda Federaalka Soomaaliyeed, in tababaro shaqaalaha dowladda ee dhanka maamulka iyo maareynta la siin doono, in dhismaha macadyada tababarka farsamada la hirgelin doono iyo in dib u dhismaha iskuulada, Isbitaalada, waddooyinka iyo kanaalada beeraha intaba laga hirgelin doono Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale maanta kulamo gaar gaar ah la yeeshay Madaxweynaha South Afrika oo uu kala hadlay xiriirka labada dal, iyo sidii Soomaalida degen South Africa ay ammaankooda loo kafaalo qaadi lahaa.

Madaxweynahu waxuu kaloo la kulmay mas’uuliyiin ka socotay Midowga Yurub oo uu kala hadlay Shirka Brussels ka dhici doono 16ka September 2013. Sidoo kale Mas’uuliyiin ka socotay hay’adaha Japan ayuu madaxweynahu la kulmay.

Xigasho: Xafiiska Madaxweynaha DFS

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online