Madaxweynaha DFS oo la kulmay wafdi ka socda Midowga Yurub (Warsaxaafadeed)

June 12, 2013 - Written by Editor

IMG_0001Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta martigeliyey booqashadii ugu horreysey ee Safiiradda Guddiga Amniga iyo Siyaasadda ee Midowga Yurub. Guddigan oo ah kan ugu muhiimsan ee go’aan gaaridda Midowga Yurub oo ka kooban Safiiradda 27ka dal ee Midowga Yurub.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey soo dhoweynta ayaa yiri “Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay inaan idinku soo dhoweeyo Muqdisho oo ah markii ugu horreysey taariikhda oo ay yimaadeen Safiiradda Guddiga Amniga iyo Siyaasadda ee Midowga Yurub. Ku soo dhowaada Caasimada Soomaaliya. Joogitaankiina Muqdisho ee maanta waxuu calaamad u yahay isbedel-ka dhabta ah ee jira.”

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub kaalmadooda iyo isgarab istaaga ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo caddeyneysa dadaalka EU eek u wajahan sidii Soomaaliya ay u soo kaban laheyd.

“Aniga iyo shacabka Soomaaliyeedba waxey uga mahadcelinayaan EU caawinadooda joogtada ah ee sanooyinkii la soo dhaafay. Dalka markii uu bilaabay soo kabashana waad kordhiseen dadaalkiina iyo kalsoonidiina dib u dhiska dalka.”

Sidoo kale Madaxweynahu waxuu uga mahadceliyey waddamada EU inay Safiiradooda u soo diraan Soomaaliya oo aan siinay aqoonsigooda iyo soo nooleynta xiriirkii diblomaasiyadeed, waxaana dhowaan rajeyneynaa in Xafiiska EU uu isna u soo guuri doono Muqdisho.

Madaxweynaha oo warbixin siiyey Guddiga EU ayaa yiri “Waxaan sanadkii la soo dhaafay ka sameynay horumar dib u habeynta hay’adaha amniga, siyaasadda iyo dib u dhiska dalka. Hase yeeshee caqabadaha badana waa jiraan. Waa shaqo si fiican u socoto oo ay weli wax badan noo dhiman yihiin.

Madaxweynaha oo ka hadlayey Shirka Soomaaliya ee ka dhacaya Brussels bisha September ayaa yiri “Aad iyo aad baan u soo dhoweyneynaa saaxiibtinimada iyo fikirka Catherina Ashton oo aan wada shir guddoomineyno shirka Soomaalida ee ka dhacaya Brussels 16ka September. Waxaan diyaarinay guddi heer sare ah oo ka sii shaqeeya qorshaha New Deal=ka waxaana la tashan doonaa qeybaha bulshada Soomaaliyeed si aan u diyaarino dokumentiga la magac baxay COMPACT oo aan Brussels hor keeni doono. COMPACT-kan ayaa Dowladda ku soo bandhigi doontaa qorsheyaasha 3da sano soo socota ee ku wajahan siyaasadda, amniga iyo horumarka. Waxaana la kulmi doonaa Madaxda iyo Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Midowga Yurub.”

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyey Golaha Wasiiradda ee EU-ACP oo 7dii Juun 2013 u oggolaaday in Soomaaliya ay xubin ka noqoto heshiiskii Cotonou waxuuna yiri “Tani waa guul aad u weyn ee dhanka wada shaqeynteena oo Soomaaliya ay ka mid noqotay African Caribbean iyo Pacific (ACP) oo aan ka maqneyn 22sano. – DHAMAAD –

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online