Madaxweynaha DFS oo markale ku baaqan nabad iyo joojin dagaalka Kismaayo (Dhageyso)
June 10, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha oo warbaahinta maana Muqdisho kula hadlayey ayaa ka hadlay dagaalada Kismaayo oo uu yiri “ Waxaan ugu baaqayaa Odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada, ururada bulshada iyo qeybaha kala duwan ee Kismaayo inay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan joojinta dagaalada iyo collaadaha ka socda Kismaayo. Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Kismaayo ma aqbali karaan dagaalada oo sii socda oo shacabku wey ka daaleen dagaallo.
“Waxaan wada leenahay hal cadow oo ah Al-Shabaab oo ka soo horjeeda nabadeena, qaranimadeena, wadajirkeena iyo iyagoo sumcadda ka dila diinteenna.
“Dagaalka shacabka dhexdiisa ah aad buu noo wiiqaa oo ay fursad ka dhigtaan Al-Shabaab. Waa inaan wadajirkeenna iyo isku xirnaanteenna adkeynaa oo aan khilaafkeenna ku xallinaa si nabad, wadahadal iyo dib u heshiisiin.
“Dowladdu waxey dhowana qaban doontaa shir dib u heshiisiineed oo loo qabanayo dadka deegaannada Jubbooyinka iyo Gedo iyadoo la tixgelin doono dhammaan aragtiyada kala duwan iyo qeybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed. Waana inaan helnaa xal danta guud ah oo noo dhisa mustaqbal nabad ah.”
DHAMAAD.
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor Spokesperson
Office of the President of the Federal Republic of Somalia
Hoos Ka Dhageyso Baaqii Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud
[audio:http://k002.kiwi6.com/hotlink/mej0t76e8w/madaxweyne.mp3]