Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh oo hambalyo u direy shacabka Soomaaliyeed

June 26, 2013 - Written by Editor

IMG_1953Muqdisho:-Madaxweynaha oo ka qeybgalay xaflad si heer sare ah loo soo agaasmay oo ka dhacday Madaxtooyada oo ay ka soo qeybgaleen Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeennada, Wasiiradda, Xildhibaanada, Guddoomiyaha Gobolka Banadir iyo marti sharaf kale ayuu madaxweynahu ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed munaasibadda maalintii xornimada ay qaateen gobolada Waqooyi oo aheyd 26kii Juun 1960.

Madaxweynahu waxuu yiri “53 sano ka hor ayey aheyd markii dhalinyaro Soomaaliyeed horseed ka noqdeen halgankii lagu helay xornimada, midnimada, qaranimada isla markaana kor u qaaday sharafkii iyo karaamadii shaqsiga Soomaaliga ah. 53 sano dadku wey ka waxbarasho yaraayeen maanta, weyna ka dhaqaale yaraayeen, hase yeeshee waxaa jirtay geesinimo, waddan jaceyl iyo midnimo xoogan.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegey in “Maanta ay muuqato ifafaallo rajo weyn na siineysa inaan marxaladdan adag si wadajir ah uga baxno. Wallaalaheen Waqooyiga waxey 53 sano ka hor la yimaadeen aragti dheer oo ay midnimada ummadda Soomaaliyeed uga dhigeen mid muqadas ah oo aan la taaban Karin, waana uga mahadcelineynaa dadaalkaas iyo aragtidaas fog.”

Madaxweynahu waxuu sheegey in tafaraaruqa, qabyaaladda iyo danaha gaarka ah uusan xalku ku jirin oo loo baahanyahay Qaranimo, midnimo, wallaaltinimo iyo dowlad jaceyl na gaarsiin karta marxalad shaqsiga Soomaaliga ah uu sharaftiisa iyo karaamadiisa kor u qaadeysa.

Madaxweynaha ayaa xafladda ka dib salaam sharaf ka qaatay ciidamada isla markaana calankii lagu saaray goobtaas oo si qiiro waddaninimo leh ay ka wada muuqatay dhammaan ka soo qeybgalayaashii xafladii calan saarka iyo munaasabadii 26ka Juun.

DHAMAAD –

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online