Madaxweynaha DFS oo la kulmay Madaxweynaha dalka Kenya
June 5, 2013 - Written by EditorMadaxweynaha DFS Xassan Sh.Maxamuud iyo Madaxweyna Uhuru Kenyatta ayaa ilo ku dhow dhow waxay sheegayaan in wadahadalkooda uu la xiriiro iskaashiga u dhexeeya labada dal, gaar ahaan arrimaha ammaanka, dhaqaalaha iyo kuwo kale. Kulanka labada madaxweyne oo ah mid albaabada u xiran yihiin ayaan laga helin faahfaahin dheeri ah.
Weriyaha VOA ee magaalada Nairobi Maryan Maxamuud Barre warbixin ay ka diyaarisay shirka labada madaxweyne halkan hoose ka dhageyso.
Source : VOA