Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo gaaray Addis Ababa [Masawirada]

June 16, 2013 - Written by Editor

20130616_135841Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta  dalka Itoobiya.Wafdiga uu hogaaminayo Axmed Madoobe ayaa waxaa socdaalkiisa waxaa ku weheliya saraakiil ka tirsan maamulkiisa iyo siyaasiyeen waxaana ka mid ah Maxamed Yuusf Awlibaax, Prof.Maxamed Cabdi Gaandi, Fiilow, Awyuusuf, Gen Maxamed Darwiish .

no images were found

Madaxweyne Jubbaland Axmed Madoobe ayaa kor ka salaamay dadweynihii Airportga ku soo dhaweeyay isagoo markii danbe soo dhex galay dadka isagoo u muujiyay sida uu dareenkisu yahay waxaan uu sheegay in si weyn uu ugu faraxsanyahay soo dhaweynta ay Jaaliyaddu u sameysay , sidaa oo kale waxa uu sheegay in uu Jaaliyadda aad ugu amaanayo is xilqaanka ay sameeyeen iyo soo dhaweyntiisaba.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dib ugu laabta qeybta gaarka ah ee Airportga wuxuuna halkaa ka racay gaadhi gaar ah oo ay Dowladda Itoobiya u diyaar gareysay kaasoo geeyay Hotelka uu deganaan doono mudada uu joogo.Madaxweynuhu uu Masuuliyiinta Dowlada Itoobiya la qaadan doono kulan balaadhan oo dhinacyo badan taaban doona , Madaxweynaha ayaa la wadaa in uu la kulmo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Hayla Maryam Desalle , iy masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda Itoobiya.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa in uu kulan balaadhan la qaadan doono Jaaliyadda Jubbaland ee Itoobiya waxaa lagu wadaa in uu kulan balaadhan oo is xog wareysi ah uu kula qaadan doono maalinta bari ah Hotel-lada Five star ka ah ee Magaalada Addis Ababa , waxaana lagu wadaa in uu kulankaa Jaaliyadda ugu faah faahin doono u jeedadda safarkiisa iyo qorshayaasha horyaala Mamulka Jubbaland.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online