Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan oo u dhoofay Nairobi

June 6, 2013 - Written by Editor

axmed-madoobeKismaayo:-Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa goor dhow  dib ugu soo laabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaana socdaal kiisa ku weheliyey xubno ka tirsan Maamulka J/land .Wafdiga uu horkacyo madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa casumaad rasmi ah waxay ka heleen Madax weynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta waxaana la filayaa in kulamo kala duwan la qaato Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole.

Afhayeenka Maamulka JubbaLand Cabdinaasir Seerar Maax ayaa saxaafada u xaqiijiyey safarka madaxweynaha maamulka Jubba land Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) wax uuna sheegay in kulamo looga hadlayo arrimaha Jubooyinka iyo khilaafka DFS iyo Maamulka Jubbaland u ka dhici doono magaalada Nairobi.
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa haatan ku sugan magaalada Nairobi waxaana khilaaf weyn u dhexeeyaa Masuuliinta sare ee DFS iyo Madaxada Maamulka Jubbaland dhawaan lagu dhisay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose.

Madaxda DFS ayaa ku doodaysa in ay iyagu xaq u leeyihiin in looga danbeeyo maareynta iyo Maamulada laga dhisayo dalka halka Madaxda Jubaland ay ku doodayaan in dastuurka dalka uu dhigayo in ay iyagu sameystaan Maamulkooda .Madax ka tirsan IGAD oo ay ugu horeyso Kenya ayaa wada dadaal lagu dhexdhexaadinayo madaxada DFS iyo Maamulka Jubaland.

Cabdi Yare
Halgan.net

Leave a comment

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online