Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata

June 3, 2013 - Written by Editor

4Nairobi:-Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa kulan la qaatay maanta Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata waxaana kulankooda ay uga hadleen arimaha Soomaaliya iyo Puntland.

Kulanka Madaxweynaha Puntland la qaatay Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirkii hore ee G/dhiga DFS Prof. Maxamad Cabdi Maxamad ( Gandi) ,Ra’isal wasaarahii hore ee Soomaaliya Dr.Cumar Cabdirashiid iyo Wasiirada arrimaha dibada Kenya Aamina Jibriil .

Madaxweynaha Puntland ayaa Madaxweynaha Kenya waxaa uu warbixin kooban ka siiyey madaxweynaha Kenya xaalada Soomaaliya gaar ahaan Dastuurka cusub ee Somalia, iyo arimaha Maamulka J/land oo khilaaf xoogan ka dhex abuurtay madaxda DFS iyo Maamulka Jubbaland state. .

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyta  ayaa amaan u soo jeediyey Maamulka Puntland wuxuuna ku amaanay sida ay qeyb libaax uga qaadatay dhismaha DFS.

Uhuru Kenyta  Madaxweynaha Kenya ayaa dhankiisa ka warbixiyey aragtida dowlada Kenya ay ka qabto Soomaaliya iyo howlgalada ciidanka Kenya ay ka wadaan gobalada Jubooyinka iyo Gedo .

C/Casiis Maxamed

Halgan.net

Leave a comment

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online