Magacyada xubnihii Xarakada Al-shabaab ee Amniyaadka xarakadu dileen (Xog)
June 28, 2013 - Written by EditorBaraawe:-Amniyaadka Xarakada Al-Shabaab, ee hoostaga amiirka Axmed Cabdi Godane, ayaa waxay qudhaa ka jareen rag badan oo aad uga dhex muuqday xarakada. Waxaa marba marka ka dambeysa isa soo taraya wararka la xiriira mas’uuliyiintii xarakada Al-Shabaab ee dhawaan lagu qabqabtay degmada Baraawe kuwaasoo howlgal ay fuliyeen amniyaadka ku gacan galay.
Dadka howlgalkaas lagu qabtay kaddibna la laayey ayaa waxaa ka mid ahaa:-
1-Ibraahim Xaaji Jaamac Meecaad (Abuu Bakar Zeylici) oo ka mid ahaa aasaasayaashii Al-Shabaab.
2-Zubeyr Muhaajir oo ahaa madaxii maxkamddii dhexdhexaadinta Al-Shabaab.
3-Abuu Yuusuf Al-Muhaajir oo ka mid ahaa saraakiisha aan Soomaalida aheyn ee ka barbar dagaallanta Al-Shabaab, dhawaana qoray qoraal uu wax badan kaga ifiyey waxa ka dhex jira Al-Shabaab.
4-Cabdi Xamiid Xaashi Colhaye oo loo yaqaan Macalin Burhaan, oo mar ahaa maxadii dacwada ee xarakada Al-Shabaab.
5-Sh. Samatar oo mar ahaa madaxii Caafimaadka ee Al-Shabaab.
Geerida xubnahaas ayaa la xaqiijinayaa, iyadoona xubnaha Soomaalida ah geeriyooda laga ogaaday ehelkooda, halka kuwa kale ee aan Soomaalida aheynna laga xaqiijiyey xarakada dhexedeeda xubno ku jira, kuwaasoo qaarkood ay wadnaha farta uga yahaan in iyagana la dilo.
Waxaa kale oo jira rag howlgalkii Baraawe lagu qabqabtay, kuwaasoo halka ay ku dambeeyeen geeri iyo nolol leysku khilaafsan yahay, waxaana ka mid ah raggaas:-
1-Xikmatyaar Al Hargeysaawi
2-C/rashiid Abuu Yoonis Al-Gadaawi oo ahaa Madaxii dacwada.
3-C/laahi Nadiir
Waxaa jira warar sheegaya in raggaan dambe la laayey, balse ilaa iyo hadda war sugan oo la faafin karo kama hayno.
Sidoo kale waxaa jira xubno ay Al-Shabaab amniyaadkooda baacsanayaan, kuwaasoo ay ugu tun weyn yihiin Mukhtaar Rooboow (Abuu Mansuur) iyo Cumar Xamaami (Abuu Mansuur Al-Amriki) haddii xubnahaan la qabtana waxaa la marin doonaa waddadii la mariyey xulufadooda.
Ugu dambeyntii: waxaa soo baxaya wax badan oo Culimada Soomaaliyeed ka digi jireen, iyadoona hadda ay caddaaneyso in nimanka xubnahoodii ugu muhiimsanaa iska dilaya ayan cid kale u daaheynin, waana arrin ay wax ku ogaan karin dadka weli aan xaqiiqada soo taabanin.
Isha warka Somalireal
Muqdisho,Somalireal.com